
Daawo: Cabdi Xaashi oo qiray inay xumaatay shaqadii Aqalka Sare
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa dhaliil u jeediyay xubnaha golaha, kaddib markii uu guddoomiyey kulan ay maanta yeesheen Senatorrada Aqalka Sare.bdi Xaashi ayaa kulanka ka sheegay inuu aad uga xun yahay habsami-u-socod la’aanta howlaha shaqo ee golaha, isaga oo qiray in Aqalka Sare, oo horey u ahaa gole si firfircoon u shaqeeya, uu haatan wajahayo fadhiidnimo iyo shaqo la’aan.
Guddoomiyaha ayaa walaac xooggan ka muujiyey xaaladda uu haatan marayo golaha, isaga oo tilmaamay in shaqadii laga filayey Aqalka Sare aysan u socon sidii loogu talagalay, taasina ay tahay arrin uu aad uga xun yahay.
"Waxaan aad iyo aad uga xumahay aqalkeennii oo ahaa aqal shaqeeya inuu hadda ku uruuray inuuna shaqeynin, arrintaasna waan ka xumahay,” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi
Hadalkan ayaa muujinaya walaaca guddoomiyaha ka qabo habsami-u-socodka howlaha Aqalka Sare, xilli golaha laga sugayo gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah, oo ay ugu horreeyaan sharci-dejinta, kormeerka hay’adaha dowladda iyo matalaadda dowlad-goboleedyada.
Dhinaca kale, Xubaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod Aqlabiyad ah ku ansaxiyay Hindise xeereedka Dhismaha Hay’adda Maaraynta Deegaanka, oo ay soo diyaarisay wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada xukuumadda Soomaaliya.
Sida uu sheegay guddoonka, waxaa xeerkan wadar ogol ku ogolaaday 28 Sanator oo kulanka maanta soo xaadaadiray,mana jirin wax diiday ama ka maamusay intaba.
Maalmihii Golaha Aqalka Sare ayaa waday isla xisaabtan golaha wasiirrada ah, waxaana shalay goaha hortegay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.


0 




Daawo: Cabdi Xaashi oo qiray inay xumaatay shaqadii Aqalka Sare
.