
Sanbaloolshe oo war cusub kasoo saaray xiisadda Hiiraan
Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xiisadda ka taagan gobolka Hiiraan, taas oo ka dhalatay doorashadii dhowaan ka dhacday HirShabelle.
Xiisadda oo si gaar ah uga taagan Beledweyne ayaa haatan cirka isku shareertay, iyadoo magaalada laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo sii kordhaya, kuwaas oo walaac ku abuuray dadka deegaanka.
Sanbaloolshe ayaa qoto dheer uga hadlay doorka taariikheed, siyaasadeed iyo midka ciidan ee dadka reer Hiiraan ay ku lahaayeen marxaladihii kala duwanaa ee dalka, isaga oo warbixintiisa ciwaan uga dhigay Soomaalidu waxay tiraah”reer Hiiran neceb, reer Hiiran ayaa dila”
Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay dadka reer Hiiraan inay midoobaan, ayna muujiyaan awooddooda, si ay u helaan xuquuq uu sheegay inay ka maqan tahay.
Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammaystiran;
Sayidka ayaa la weydiiyey: "Hawiye iyo Daarood yaa adag?” Waxa la sheegaa inuu ku jawaabay: "Qolada Reer Hiiran la socdo.”
Sayidku ma dhihin " Reer Hiiran hawiye ma’ahan ee waxaa hadalkiisa ku xadfan cidda dirirtaba in ay reer Hiiran tahay”. waxaana laga dheehan karaa kaalinta Reer Hiiran ku lahaa awoodda iyo halganka Soomaaliyeed ama Hawiye.
Bal taariikhda dib u eeg!
Yaa Hawiye ka kiciyey Ajuuraan? Yaa ka hor yimid Cali Yuusuf? Yaa la dagaallamay Sayidka? Yaa ka horyimid Kacaankii? Yaa tusay in Al-Shabaab laga adkaan karo?
Bal adigu sheeg deegaanka aan Hiiran ahayn ee halgannadaas kaalintaas oo kale ku lahayd!
Jeneraal Caydiid ma awoodi lahayn inuu sidaas ula dagaallamo taliskii Jaalle Siyaad isaga oo aan haysan taageeradii reer Hiiraan. Laga soo bilaabo Muqdisho ilaa Hiiraan iyo xuduudda Kenya, wuxuu ku tiirsanaa taageero iyo xiriirro ciidan. Markii taageeradaas laciiftay ama luntay, awooddiisuna waxay wajahday caqabado waaweyn.
Xasan Sheekh Maxamuudna reer Hiiraan wuu la diriray; maanta wuxuu haysto iyo waxa uu siyaasadda ka helayba waa qayb ka mid ah doodda taariikhda iyo siyaasadda ee u baahan in la qiimeeyo.
Reer Hiiraan waa dad leh taariikh, halgan iyo kaalmo siyaasadeed oo aan la iska indho tiri karin.
Qofkii reer Hiiran neceb, taariikhdeeda ha barto; qofkii la dirirana ha ogaado waxa uu la dirirayo waa taariikhda lafteeda.
Anigu ma dhihi "Hiiran neceb reer Hiiraan ayaa dila” ee dad horaa yiri. Reer Hiiran isku doobnaada oo awoodiina muujiya!


0 




Sanbaloolshe oo war cusub kasoo saaray xiisadda Hiiraan
.