Saciid DENI oo shaaciyay mowqifkiisa ku aadan gogosha uu dhigay Xasan

0
Saturday October 31, 2026 - 14:32:34 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 51
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saciid DENI oo shaaciyay mowqifkiisa ku aadan gogosha uu dhigay Xasan

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullah Deni oo wareysi siiyay Puntland Tv ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan gogosha uu dhigay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo casuumay Xisbiga Nabad iyo Nolol, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Midnimo Qaran, iyo Dalladda Bulshada Rayidka, si ay uga qaybgalaan gogol wadatashi Qaran oo ka furmi doonta Muqdisho 14-18 Nofeembar 2026.

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Saciid Deni ayaa dhaliilay gogosha wada-hadal ee ay fidisay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay mid aan wax natiijo ah laga gaari doonin, isla markaana ah waqti lumis.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan badbaadinta dalka, isla markaana la isugu yimaado wada-tashi dhab ah oo looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira.

 

"Wax Xasan laga dhowrto ma jirto doorashona ma qaban karo shirarkiisuna waa waqti lumis, waxaan dadka Soomaaliyeed ugu yeedhaynaa wadatashi, Puntland waxba hagran mayso waxay ka shaqaynaysaa danteeda iyo danta Qaranka Soomaaliyeed,” ayuu yir Saciid Deni.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa isla wareysiga uu siiyay Puntland TV baaq toos ah ugu diray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ka dalbaday inuu xilka iska casilo, una turo dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Saciid Deni ayaa ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu ku fashilmay hoggaaminta Soomaaliya, uuna khalday jihada siyaasadeed ee dalka, isaga oo ku taliyay in la dhiso gole KMG ah oo dalka sii gaarsiiya doorashooyin, si looga gudbo marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip