C/qaadir Cosoble "Hal-ku-dhiggii ahaa Soomaali heshiis ah, dunidana la heshiis ah, wuxuu ku soo dhammaaday been iyo khiyaano"

0
Saturday October 31, 2026 - 20:15:17 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/qaadir Cosoble "Hal-ku-dhiggii ahaa Soomaali heshiis ah, dunidana la heshiis ah, wuxuu ku soo dhammaaday been iyo khiyaano"

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Xokdhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ah madaxda mucaaradka Golaha Mustaqbalka ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xassan.

C/qaadfmdir Cosoble wuxuu xusay in been iyo qiyaano ay ku soo dhamaatay Hal-ku-dhiggi Xassan Sheekh ee ahaa Somali heshiis ah dunidana heshis la ah.

Hadaba qoraalka C/qaadir Cosoble oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-

Hal-ku-dhiggii ahaa "Soomaali heshiis ah, dunidana la heshiis ah” wuxuu isu beddelay hal-ku-dheg ka fog xaqiiqada, kuna dhammaaday been iyo khiyaano.

Waxa keliya ee laga dhaxlay afartii sano iyo barkii la soo dhaafay, sida ay qabaan dad badan oo shacabka ka mid ahi, waa boobka hantida dadweynaha iyo tan gaarka loo leeyahay, musuqmaasuq baahsan iyo naxariis-darro lagula kacay shacabka.

Maalin kasta waxaa ku soo waca ama kuu yimaada muwaadiniin masaakiin ah oo ay ku adag tahay inay helaan xitaa luqmadii ay maalintaas cuni lahaayeen, isla markaana laga boobay dhulalkii iyo deegaannadii ay ku noolaayeen muddo nus qarni ah ama ka badan. 

Maamulo shalay nabad iyo xasillooni ku naaloonayay ayaa maanta xaaladdoodu aad u liidataa, waxaana hareeyay dhibaatooyin amni iyo kuwo siyaasadeed.

Sidaas darteed, hal-ku-dhiggaasi wuxuu noqday mid aan la jaanqaadin xaqiiqada dhabta ah ee dalka ka jirta, isla markaana shacabka loogu beerlaxawsanayay rajo aan ficil lagu xaqiijin.



XIGASHO:-DAYNIILE.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip