
Guddiga doorashada oo maanta qaadaya tallaabadii u horreysay ee doorashada federaalka
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa maanta bilaabaya diiwaangelinta axsaabta siyaasadeed ee doorashooyinka heer federaal, sida uu hore ugu dhawaaqay.
Diiwaangelinta axsaabta siyaasadeed ayaa bilaabanaysa 1-da November, waxayna socon doontaa muddo 22 maalmood ah. Tani waxay noqonaysaa tallaabadii ugu horreysay ee guddigu u qaado diyaar-garowga doorashooyinka federaalka ee loo qorsheeyay sanadka 2027-ka.
Guddigu wuxuu dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo cid kasta oo danaynaysa inay ka qayb-qaadato doorashooyinka ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan muddada loo qabtay diiwaangelinta, oo ku eg 22-ka November.
Qorshaha guddiga ayaa dhigaya in doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la qabto 15-ka April 2027, halka doorashada madaxweynaha loo asteeyay 15-ka May ee isla sanadkaas.
Hannaanka doorasho ee la qorsheeyay ayaa ah nidaamka qof iyo cod, kaas oo dowladdu ku doodayso inuu muwaadiniinta siinayo fursad ay si toos ah ugu doortaan wakiilladooda, xilli ay weli taagan tahay doodda ku saabsan hannaankaas.
Sidoo kale, jadwalka guddiga ayaa dhigaya in liisaska musharraxiinta labada aqal ee baarlamaanka la soo gudbiyo ugu dambayn 22-ka November 2026, halka ololaha doorashadu uu furmayo 27-ka February 2027.
Si kastaba, mucaaradka Soomaaliya ayaa weli ka soo horjeeda hannaanka doorasho ee uu guddigu wado, iyaga oo ku adkeysanaya in marka hore heshiis laga gaaro arrimaha doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka, ka hor inta aan la guda gelin tallaabooyinka doorashada.
Khilaafkan siyaasadeed ayaa weli caqabad ku ah qorshaha doorashooyinka, iyadoo mucaaradku dalbanayaan in la gaaro heshiis siyaasadeed oo ay dhammaan dhinacyadu qayb ka yihiin.


0 




Guddiga doorashada oo maanta qaadaya tallaabadii u horreysay ee doorashada federaalka
.