
Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya aysan kaligeed sugi karin amniga baddeeda
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in loo baahan yahay taageero iyo iskaashi caalami ah si loo sugo amniga xeebeheena oo dhererkoodu gaarayo 3,400 oo kiiloomitir, maadaama aysan dowladdu awood u lahayn inay keligeed ilaaliso baaxaddaas xeebeed.Wareysi uu siiyay telefishinka Sky News ayuu madaxweynuhu ku adkeeyay in ilaalinta xeebaha Soomaaliya ay tahay hawl u baahan iskaashi caalami ah, isla markaana ka weyn awoodda amni ee dal keliya.
Caqabadaha amni ee dalka ayuu Xasan Sheekh ku xiray qayb ahaan dhul ballaaran oo muddo dheer aan lahayn maamul dowladeed oo wax ku ool ah, taas oo uu sheegay inay sahashay in kooxaha argagixisada iyo burcad-badeeddu ka hawlgalaan qaybo ka mid ah Soomaaliya.
Markii uu ka hadlayay dib u soo laba-kacleynta burcad-badeedda, madaxweynuhu wuxuu xusay in dadaalladii caalamiga ahaa ee hore loo sameeyay ay inta badan ku koobnaayeen xakamaynta weerarrada, balse aanay meesha ka saarin sababihii keenayay dhibaatada.
"Burcad-badeednimadu kuma koobna falal ka dhaca badda dhexdeeda oo keliya, balse kooxahaasi waxay saldhigyo iyo shabakado ku leeyihiin dhulka. Taasi waxay ka dhigan tahay in wax laga qabto xaaladaha amni iyo dhaqaale ee ka jira deegaannada xeebaha,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Xalka waara, sida uu madaxweynuhu tilmaamay wuxuu ku xiran yahay xoojinta ciidamada ilaalada xeebaha, sugidda amniga dhulka xeebaha ah iyo abuurista fursado shaqo oo dhallinyarada ka weecin kara ka-qaybgalka falalka burcad-badeednimada.
Saboolnimada iyo fursad la’aanta ayuu ku tilmaamay arrimo ka mid ah kuwa dhallinyarada qaarkood ku riixa inay ku biiraan falalkaas, isagoo sidoo kale xusay in dad badan ay dhowaan ku dhinteen hawlgallada burcad-badeednimada.
Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalal ay ka mid tahay Hindiya ay ku xiran yihiin dad Soomaali ah oo lagu eedeeyay burcad-badeednimo, kuwaas oo la qabtay iyaga oo ka hawlgalaya biyaha dalal kale.
Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli ay dib u soo cusboonaadeen weerarrada burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya, taasoo walaac ku abuurtay maraakiibta ganacsiga iyo amniga isu-socodka badda ee gobolka


0 



Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya aysan kaligeed sugi karin amniga baddeeda
.