Goorma ayuu soo baxaya baasaboorka cusub ee Soomaaliya?

0
Friday October 30, 2026 - 13:46:48 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 97
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goorma ayuu soo baxaya baasaboorka cusub ee Soomaaliya?

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Xuseen Iidow ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay dhammaystirtay qayb weyn oo ka mid ah habraacyada looga baahan yahay fududeynta isu socodka muwaadiniinta iyo dalalka Bariga Afrika, balse ay weli jiraan kuwo kale oo dhiman.

 Xuseen Iidow ayaa tilmaamay in isu socodka Soomaaliya iyo dalalka Bariga Afrika uu hadda wanaagsan yahay, isla markaana uu sii hagaagi doono marka la dhammaystiro habraacyada harsan lana dhaqan geliyo nidaamka baasaboorka cusub.

Hadalka agaasimaha ayaa kusoo beegmaya iyadoo Dowladda Federaalka ay waddo dadaallo lagu casriyeynayo nidaamka aqoonsiga iyo baasaboorka qaranka, kaas oo la filayo in la soo saaro dhammaadka sannadkan.

Soomaaliya ayaa xubin rasmi ah ka noqotay ururka bishii December 2023 kadib markii ay buuxisay shuruudihii xubinnimada, iyadoo noqotay waddankii siddeedaad ee ku biira dalladda dalalka Bariga Afrika.

Si kastaba, xubinnimada EAC keligeed macnaheedu ma aha in muwaadiniintu si toos ah uga faa’iideysanayaan dhammaan xuquuqda isu socodka xorta ah, maadaama ay jiraan heshiisyo iyo habraacyo sharci oo ay tahay in waddamada xubnaha ahi ansixiyaan oo dhaqan geliyaan.

Baasaboorka cusub ayaa la rajeynayaa inuu wax ka beddelo caqabadaha muddada dheer ay Soomaalidu kala kulmayeen safarrada caalamiga ah, gaar ahaan helitaanka dal-ku-galka iyo hubinta dukumentiyada aqoonsiga.

Caqabadahaas ayaa soo jiitamayay tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii, xilligaas oo baasaboorka Soomaaliyeed uu wajahay dhibaatooyin la xiriira kalsoonida iyo aqoonsiga caalamiga ah. Si kastaba, fududeynta safarka dalalka EAC waxay sidoo kale ku xirnaan doontaa dhammaystirka heshiisyada iyo habraacyada ururka.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip