Safiirka Israel ee S/LAND oo gaaray Hargeysa iyo Cirro oo ka guddoomay aqoonsiga + Sawirro

0
Sunday November 01, 2026 - 11:07:09 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 68
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Israel ee S/LAND oo gaaray Hargeysa iyo Cirro oo ka guddoomay aqoonsiga + Sawirro

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Danjiraha dowladda Israa’iil u qaabilsan Somaliland, Amb. Michael Lotem ayaa gaaray magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, iyadoo Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu warqadaha aqoonsiga uga guddoomay munaasabad ka dhacday Madaxtooyada.

Madaxtooyada Somaliland ayaa tallaabadan ku tilmaamtay mid astaan u ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo hirgelinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil iyo labada shacab.

Madaxweyne Cirro oo si diirran u soo dhaweeyey Safiirka Israa’iil ayaa ugu hambalyeeyey xilka diblomaasiyadeed ee loo igmaday, isagoo imaatinka danjiraha ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dhinac.

Cirro ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay Somaliland uga go’an tahay dhismaha xiriir ku salaysan is-ixtiraam, dano-wadaag iyo iskaashi waara, kaas oo horseeda horumar la taaban karo, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, amniga iyo tiknoolajiyadda.

Sidoo kale wuxuu xusay in goobta istaraatiijiga ah ee Somaliland, gaar ahaan marinnada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ay fursad muhiim ah u tahay xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo ka qayb qaadashada adkaynta nabadda, xasilloonida iyo amniga gobolka.

Ugu dambayntiina, Madaxweynaha Somaliland ayaa xaqiijiyay in maamulkiisa ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka dhinacyada badan leh ee Israa’iil, kaasi oo uu sheegay inuu ku dhisan yahay aragti fog, dano wadaag iyo natiijooyin midho dhal ah oo waxtar u leh labada dhinac.

Dhankiisa, Danjire Michael Lotem ayaa Madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyey soo dhaweynta diirran, isagoo sheegay in ay sharaf weyn u tahay in uu dowladda Israa’iil ku metelo Somaliland.

Danjire Michael Lotem ayaa sidoo kale xaqiijiyay inuu si weyn uga shaqayn doono xoojinta xiriirka labada dhinac iyo iskaashi wax-ku-ool ah, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca, ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda, caafimaadka iyo waxbarashada, isla markaana wax ka tari doona nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Bishii April ayay aheyd markii Israel ay Lotem usoo magacowday Somaliland kadib markii ay noqotay dowladdii ugu horreysay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee aqoonsata Somaliland. Safiirka ayaa markii hore noqonaya mid aan si joogto ah u deggeneyn Hargeysa.

Xiriirka cusub ee maamulka Somaliland iyo Israel ayaa qeyb ka ah dadaal ballaaran oo ay Tel Aviv ku dooneyso inay ku xoojiso saameynteeda diblomaasiyadeed ee Afrika, gaar ahaan dalalka Muslimiinta u badan iyo goobaha u dhow marinnada istiraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Aqoonsiga Israel waxaa si adag uga hortimid dowladda Soomaaliya oo Somaliland ay tahay qeyb ka mid ah dhulkeeda. Midowga Afrika, IGAD iyo dalal dhowr ah ayaa sidoo kale ka digay tallaabadaas, iyaga oo sheegay in ay saameyn ku yeelan karto xasilloonida gobolka.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip