
DAAWO: Sanbaloolshe oo awoodiisa ciidan ku soo bandhigay Baladweyne
.
Taageerayaasha Agaasimihii hore ee nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa maanta Magaalada Baladweyne ku soo bandhigay awoododooda ciidan .
Gaadiid badan oo ah nuuca Dagaalka ayay soo bandhigeen iyagoona ku dhawaaqay inaan hada kadib garoonka diyaaradaha Baladweyne uusan ka soo degi karin shaqsi ka tirsan Maamulka Hirshabelle.
Ganacsade Ibraahin Cabdi Dhaay oo goobta ka hadlay kuna hadlay afka kooxda Sanbaloolshe taageersan ayaa sheegay inay Baladweyne uga dhamaatay cid kasta oo ka tirsan Hirshabelle islamarkaana ay la dagaali doonaan.
Hadaba faah faahinta Hadalka Ganacsadaha iyo bandhiga gaadiidka dagaalka halkaan ka daawo:-
Video Player
00:00
00:00
XIGASHO:-DAYNIILE.COM


0 


DAAWO: Sanbaloolshe oo awoodiisa ciidan ku soo bandhigay Baladweyne
.