
Nin Soomaali ah oo loo xiray dilka haweeney Moroccan ah
Booliska Netherlands ayaa xiray nin Soomaali ah oo 23 jir ah, kaas oo looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa dilka Hajar, oo ahayd haweeney 29 jir ah oo u dhalatay Morocco.
Meydka Hajar ayaa laga dhex helay shandad ku jirtay biyaha agagaarka Amsteldijk ee magaalada Amsterdam, kadib markii la waayay horraantii bishan October.
Mid ka mid ah ehelkeeda ayaa fiidkii 4-tii October booliska ku wargeliyay maqnaanshaheeda. Isla maalintaas, kaamirooyinka ammaanka ayaa duubay Hajar iyo ninka hadda la xiray, iyagoo wada jooga meel u dhow xarunta RAI ee Amsterdam.
Booliska ayaa maalintii xigtay maqnaanshaheeda u aqoonsaday kiis halis sare leh, waxayna bilaabeen dadaallo lagu raadinayo. Markii lagu guuldarreystay in la helo, baarayaasha ayaa 13-kii October baahiyay sawirkeeda, kadib markii ay arrinta kala tashadeen qoyskeeda.
Subaxnimadii 16-kii October, qof jidka marayay ayaa biyaha agagaarka Amsteldijk ku arkay shandad uu ku jiray meydka Hajar.
Baarayaasha ayaa xaqiijiyay in la dilay, waxayna rumeysan yihiin inay u badan tahay inay geeriyootay wax yar kadib markii la waayay.
Booliska ayaa fiidkii 19-kii October ninka Soomaaliga ah su’aalo u weydiiyay isaga oo markhaati ah. Hase yeeshee, baaritaanno dheeraad ah oo la sameeyay subaxdii xigtay ayaa muujiyay suurta-galnimada inuu ku lug lahaa geerideeda.
Taasi waxay keentay in boolisku soo saaro wargelin lagu raadinayo. Tuhmanaha ayaa la xiray Talaadadii, markii booliska loogu yeeray dhacdo rabshado wata oo ka dhacday guri ku yaalla degmada Koggenland.
Nin uu yaqaanay tuhmanaha ayaa ku dhaawacmay dhacdadaas, waxaana loo qaaday isbitaal si loogu daweeyo.
Ninka la xiray wuxuu Netherlands ku noolaa tan iyo sanadkii 2009, wuxuuna sharciga degenaanshaha joogtada ah heystay tan iyo sanadkii 2014.
Waxaa hadda lagu hayaa xannibaado u oggolaanaya inuu la xiriiro oo keliya qareenkiisa, halka baarayaashu ay isku dayayaan inay ogaadaan duruufihii ku xeernaa geerida Hajar iyo goobta uu dilku ka dhacay.


0 




Nin Soomaali ah oo loo xiray dilka haweeney Moroccan ah
.