Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug.

0
Thursday October 22, 2026 - 18:46:48 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug.

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u doortay hoggaamiyaha maamulkaas, kaddib doorasho maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.

 

 

 

Liibaan Axmed Xasan ayaa helay 72 cod, halka musharraxii la tartamayay, Cabdulqaadir Cabdullaahi Diiriye, uu helay 14 cod. Sidoo kale, waxaa halaabay saddex cod.

 

Natiijada doorashada waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, Xuseen Maxamed Nuur.

 

Liibaan ayaa xilka kala wareegi doona Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), oo weli xilka haya balse aan doorashadan musharrax ka ahayn.

 

 

Doorashadan ayaa ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, iyadoo Liibaan Axmed Xasan uu ku guuleystay codadka ugu badan ee xubnaha Golaha Wakiillada ee ka qaybgalay codeynta.

Doorashada maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ayaa la sii ogaa natiijadeeda, iyadoo la saadaalinayay in Liibaan Axmed Xasan uu ku soo baxayo.

Liibaan ayaa ka tirsan Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), oo ay leedahay dowladda federaalka Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip