
Wiil dhalinyaro ah oo hooyadiis ku dilay duleedka Muqdisho
Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo lasoo wariyay in wiil dhalinyaro ah uu si arxan darro ah ugu dilay hooyadiis.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle Tv ayaa sheegay in wiilka dilka gaystay uu adeegsaday toorey, isaga oo dhawr meel kaga dhuftay hooyada oo isla goobta ku dhimatay.
"Wiilka waa wiilashada hadda soo baxaayo wuxuu dilay hooyadiis Alle ya raxma, wuxuuna u adeegsaday toorey,” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in shacabka deegaanka ay kasoo baxeen dhacdada, isla markaana ay meesha ka qaadeen maydka hooyada, iyadoo uu cararay wiilka.
Waxaa kale oo uu intaas ku daray in eedeysanaha uu isticmaali jiray maandooriye, isla markaana ay lama filaan ku noqotay inuu dilay hooyadiis oo si weyn looga yaqaanay deegaanka.
"Sababta ma sheegi karno waa qadar Alle, laakiin dadka xaafadda waxay sheegeen inuu balwad isticmaali jiray. Arrintan si xun ayay noo saameysay waayo naxtin waayay, mana filaneynin,” ayuu sii raaciyay.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo durbo bilaabay baaritaanno deg-deg ah, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ay gacanta kusoo dhigeen wiilka oo isku dayay inuu baxsado.
Si kastaba, Ma jiro wax faah-faahin ah oo ay saraakiisha amniga ka bixiyeen dhacdadaan oo ay si weyn uga argagaxeen bulshada ku dhaqan deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.


0 




Wiil dhalinyaro ah oo hooyadiis ku dilay duleedka Muqdisho
.