
Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay.
Kowdii bishii Lixaad ee Sanadkaan 2026, Jamaal oo aan looga baran in uu kasoo dib dhaco guriga, ayaa xilli dambe soo gurya noqday, waxaana ugu dambeyn uu ku kacay inuu dilo Sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed, kadib seddex baalooto AK47 ah oo uu kaga dhuftay dhabarka dambe iyo gacanta.
Wax caawimaad ah uma fidin marxuumkii soo gacan qabtay, waxaana kasii darneyd inuu tir-tiray dhiigga & raadka cadeymaha, si loo marin habaabiyo baarista, shukumaan iyo garan uu lahaa marxuumka ayuuna u adeegsaday inuu ku masaxo, sidoo kale waxa uu tuuray fooqii rasaasta, waliba banaanka hore ee guriga sida laga arkay CCTV Camera ku xirneyd guriga marxuumka.
Eedeysanaha Labaad Mustaf Xuseen Guure "Kaamil” Engineer IT Qorbe joog ah isticmaalayna aqoonsiyo & darajo ciidan oo been abuur ah, ayaa isna ahaa saaxiibka Sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed tan iyo 2019, iyaggoo Kuwada joogay saaxiibtinimo salka ku heysa cilmi & farsamo shaqo, xiriirkaas, ayaana gaaray inay wada degaan hal guri.
Mustaf Kaamil ayaa, si gaar ah loogu eedeeyay gacansiin dembi, la shaqeynta eedeysanaha Koowaad Jamaal, Qarin faldembiyeed iyo caawin u fidin la’aan uu dilka kadib gudaha kusii jiray muddo 12 daqiiqo ah, sidoo kalana xaqiijiyey in banaanka uusan qof joogin, isaggoo saraakiishii timidna ku marin habaabiyay warbixin qaldan.
Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamadda qalabka sida, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, Waxaana laga oggolaaday Sagaal iyo tobankii Bishaan October 2026.
Garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta oo ay taariikhdu tahay Labo iyo labaatanka Bisha October 2026 kiiskaan waxay kasoo saareen go’aan..
1- Ex- Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle ayey maxkamadu ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed.
2- Mustaf Xuseen Guure "Kaamil” ayaa isna lagu xukumay hal sano oo il ku-heyn amni ah.
Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.


0 




Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay.
.