
Sidee Turkiga uga adkaaday isbhayesigii Greece, Israa'iil iyo Imaaraadka Carabta
Maalmihii ka horreeyay inta uusan baarlamaanka Bariga Liibiya meelmarin heshiiska muranka dhaliyay ee badda ee lala galay dalka Turkiga, dowladda Giriigga ayaa si xooggan isugu dayaysay inay isu keento xulafadeeda gobolka — oo ay ka mid yihiin Masar, Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta — si looga hortago heshiiskaas, sida ay saraakiil badan oo gobolka ku sugan u sheegeen shabakadda Middle East Eye.
Hase yeeshee, maalintii Talaadada, Golaha Wakiillada Liibiya ee fadhigiisu yahay magaalada Benghazi ayaa ansixiyay heshiiska, taas oo muujinaysa in Liibiyada kala qeybsan ay ugu yaraan heshiis guud ku noqon karto aqoonsiga sheegashada ballaaran ee Turkigu ku leeyahay Badda Mediterranean-ka bari.
"Turkigu wuxuu si buuxda xididdada ugu aastay gudaha Liibiya. Waxay hadda ku dhowdahay wax aan suurtagal ahayn in hoggaamiye Liibiyaan ah uu mustaqbalka heshiis la saxiixdo Giriigga, maxaa yeelay waxaa jira is-afgarad ay Liibiyaanku ku midaysan yihiin,” ayuu yiri Constantinos Filis, oo ah agaasimaha Machadka Arrimaha Caalamiga ah ee magaalada Athens.
Balse heshiiskani wuxuu ka weyn yahay guuldarro soo gaartay Giriigga ama tallaabo diblamaasiyadeed oo Turkigu ka gaaray badda Mediterranean-ka. Wuxuu si qoto-dheer u muujinayaa sida uu dib ugu habaysmayo Bariga Dhexe kaddib dagaalkii Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iran iyo colaadaha kale ee ka aloosan gobolka oo dhan.
Isku soo wada duuboo, isbahaysiyadii uu Giriiggu ku tiirsanaa si uu uga hortago Turkiga ee badda Mediterranean-ka ayaa ku guuldareystay inay wax keenaan, maadaama Bariga Dhexe ay ka socoto dib-u-habeyn istiraatiijiyadeed oo lagu kala hor marinayo danaha iyo mudnaanta siyaasadeed.
Masar iyo Turkiga ayaa dhammeeyay khilaafkoodii qoto-dheeraa, halka dowladaha Khaliijka sida Imaaraadka Carabta ay raadinayaan shuraako cusub oo dhanka amniga ah xilli dagaalka Iran uu qarka u saaran yahay inuu mar kale dib u qarxo. Arrinta layaabka ku ah Giriigga ayaa ah in ficillada saaxiibkiisa ugu dhow ee Israa’iil ay qeyb weyn ka qaateen is-beddelladan.
Booska bannaanaaday ee Mareykanka
Loolanka dhanka badda ah ee u dhexeeya Giriigga iyo Turkiga ee Bariga Mediterranean-ka ayaa soo jiray waqti dheer ka hor inta aysan Liibiya u kala go’in labada maamul ee iska soo horjeeda kaddib xukun-tuuriddii Mucammar Al-Qadaafi ee 2011-kii. Labada dal ee deriska ah ayaa sannadkii 1996-kii ku dhowaaday inay galaan dagaal toos ah jasiirad aan cidina degganayn dalkeeda awgeed.
Sida caadada ahayd, Giriigga iyo Turkigu waxay xadka u riixi jireen xiisaddooda iyagoo ogsoon in Mareykanku soo dhex-gali doono si uu uga hortago in labada xubnood ee NATO ay galaan iska-hor-imaad toos ah. Balse xaaladdaas ayaa hadda gabi ahaanba isbeddeshay.
Mareykanka ayaa hadda doorkiisu ku yaraaday Bariga Dhexe, wuxuuna isku hayaa gaashaanbuurta NATO jihooyin dhowr ah, sida arrinta dagaalka Ukraine. Giriiggu waa dal kharash badan ku bixiya NATO, balse Turkigu wuxuu dhistay wershadihiisa hubka ee u gaarka ah.
Awoodda gobolka ee Turkiga ayaa sii kordhaysa, iyadoo hadda dalka Suuriya uu maamulayo saaxiibkiis, dalalka Khaliijkuna ay u eeganayaan wehel dhanka amniga ah xilli Mareykanku dib uga guranayo doorkiisii hore.
Tom Barrack, oo ah safiirka Mareykanka ee Turkiga isla markaana ah ergayga Suuriya iyo Ciraaq, ayaa Talaadadii sheegay in heshiiskii taariikhiga ahaa ee Mareykanka iyo Khaliijka ee "shidaal ku beddelashada amniga” uu hadda marayo marxalad kala-guur ah.
Ilo-wareed Liibiyaan ah oo xog-ogaal u ah arrintan ayaa Middle East Eye u sheegay in meelmarinta baarlamaanka bariga Liibiya ee heshiiska badda ay tahay hal tallaabo oo qeyb ka ah qorshe ballaaran oo Liibiya loogu mideynayo hal dowlad, kaas oo maamulka Trump uu la oggolaaday Turkiga.
Isha ayaa intaa ku dartay in Mareykanku doonayo in Turkigu uu dhex-dhexaadiyo xukuumadaha iska soo horjeeda ee fadhiya Benghazi iyo Tripoli. Madaxa sirdoonka Turkiga Ibrahim Kalin ayaana booqasho ku tagay magaalada Tripoli Talaadadii.
Giriiggu wuxuu bilaabay inuu raadsado xulafo cusub oo Bariga Dhexe ah xilli uu Mareykanku dib uga gurtay doorkiisii amniga, Turkiguna uu muruqyadiisa ku muujinayo gobolka.
Heshiiska badda ee Ankara ay la gashay Liibiya ayaa meesha ka saaraya sheegashada Giriigga ee aagagga badda, ma aha oo kaliya jasiiradaha yaryar, balse sidoo kale jasiiradaha waaweyn sida Crete oo ay ku nool yihiin 600,000 oo Giriig ah.
Giriigga oo raadinaya beddelka Mareykanka
Dowladda Athens ayaa labalaabtay xiriirkeeda qoto-dheer ee taariikhiga ah ee ay la leedahay dalka Masar. Markii uu Turkigu markii ugu horreysay heshiiska xadaynta badda la saxiixday dowladda Liibiya ee fadhigeedu yahay Tripoli, Athens waxay kaga jawaabtay inay heshiis la saxiixatay Masar si ay kaga hortagto.
Giriiggu wuxuu sidoo kale aad ugu soo dhawaaday Imaaraadka Carabta. Ra’iisul Wasaaraha Giriigga Kyriakos Mitsotakis ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ugu horreeyay ee booqday dalka Khaliijka xilligii uu meeshii ugu sarreysay marayay dagaalkii Mareykanka iyo Israa’iil ay ku hayeen Iran. Sannadkii 2020-kii, markii ay cirka isku shareertay xiisadda labada dal, Imaaraadku wuxuu diyaarado dagaal u diray jasiiradda Crete.
Balse tallaabada ugu muranka badanayd waxay ahayd isbahaysiga dhow ee uu Giriiggu la yeeshay Israa’iil, taas oo ay Turkiga isku hayaan saameynta goobaha xasaasiga ah sida Suuriya iyo xitaa Geeska Afrika.
Bishii Ogosto, Giriiggu wuxuu xitaa oggolaaday inuu Israa’iil kaga gato nidaamka difaaca hawada oo ku kacaya $3.5 bilyan oo doolar — taas oo ahayd heshiiskii hubka ee ugu weynaa taariikhda Israa’iil.
Meelmarinta heshiiskan ee Bariga Liibiya ayaa si gaar ah u dhibaysa Giriigga, sababtoo ah Israa’iil, Masar iyo Imaaraadku waa taageerayaasha ugu weyn ee Khaliifa Xaftar, taliyaha milateri ee gacanta ku haya Bariga Liibiya, kaas oo horay u ahaa cadowga dowladda fadhigeedu yahay Tripoli. Giriiggu wuxuu aad isugu halleynayay xiriiradan si uu Turkiga ugaga hor tago Liibiya dhexdeeda.
Sannadkii hore, Giriiggu wuxuu taageero ka doonay Masar si loo hor istaago in Benghazi ay ansixiso heshiiska badda. Wafdi Masari ah ayaa booqday Athens shan maalmood ka hor si ay Giriigga ugala tashadaan arrinta Liibiya.
Saddam Xaftar, oo ah wiilka Khaliifa Xaftar, ayaa si isa soo taraysa loo arkaa inuu yahay hoggaamiyaha xiga ee Bariga Liibiya. Inkasta oo Turkigu uu soo dhexgalay dagaalkii sokeeye ee Liibiya si uu aabbihii uga hor istaago inuu qabsado Tripoli, haddana Saddam wuxuu u dhowaaday dhanka Ankara. Xagaagii la soo dhaafay, isagoo dhiirrigelin ka helay Imaaraadka, ayaa lagu qanciyay Saddam inuu booqdo Athens inkasta oo uu xiriir la lahaa Turkiga.
"Masar ama Imaaraadka shaqo uma aha inay Liibiya dhexdeeda nooga hiiliyaan. Waxay leeyihiin dano kale. Waxay ahayd xikmad-darro in Giriiggu ka fisho inay u huraan danteenna dartiis danahooda gaarka ah,” ayuu yiri Filis.
Isku soo dhawaanshaha Turkiga iyo Masar
Ilaa dhowr sano ka hor, Masar iyo Imaaraadkuba waxay cadaawad adag kala dhexeysay Turkiga. Qaahira iyo Abu Dhabi waxay taageereen reer Xaftar dagaalkii sokeeye ee Liibiya, halka Turkigu uu taageeray dowladdii Tripoli. Balse wixii markaas ka dambeeyay, waddamadan waxay qaadeen tallaabooyin ay ku soo celinayaan xiriirkooda.
Saraakiisha Masar ayaa dhowr jeer xaqiijiyay in isku soo dhawaanshaha Qaahira iyo Ankara uusan ku socon Giriigga. Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdelatty ayaa Talaadadii wicitaan la yeeshay dhigiisa Giriigga, isagoo dib u xaqiijiyay danaha ay wadaagaan.
Masar ma doonayso inay aragto Bariga Mediterranean-ka oo noqda goob uu Turkigu kaligiis ku taliyo, laakiin Masar iyo Turkigu hadda waxay ku midoobeen arrimo ka badan kuwa ay ku tartamayaan. Labada dalba waxay aad uga digtoonaadeen ballaarashada Israa’iil kaddib weerarradii 7-dii Oktoobar 2023, xasuuqii Gaza iyo qabsashada dhulalka Suuriya iyo Lubnaan.
Sidoo kale, Masar iyo Turkigu waxay isku mowqif ka yihiin Badda Cas. Labada dalba waxay si toos ah u taageeraan dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna ka soo horjeedaan aqoonsiga Israa’iil ay u fidisay gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland. Waxay kaloo taageeraan ciidamada qalabka sida ee Suudaan oo dagaal kula jira xoogagga RSF, kuwaas oo xiriir la leh Israa’iil, sida uu qiray Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu laftiisu.
Liibiya dhexdeeda, waxaa sidoo kale ka jira fursad iskaashi; Masar waxay doonaysaa inay dhisto dhuun shidaal oo ku kacaysa $1 bilyan oo doolar oo isku xiraysa Tobruk iyo dekedda Alexandria.
Iyadoo Imaaraadka iyo Turkigu ay ku kala aragti duwan yihiin meelaha qaar ee colaadaha gobolka sida Suudaan, haddana waxay u dhaqaaqeen inay maareeyaan khilaafaadkooda; tusaale ahaan, sannadkii 2022-kii Imaaraadku wuxuu iibsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee TB2 ee laga sameeyo Turkiga.
Dhinaca kale, aqoonsiga Bariga Liibiya ee sheegashada badda ee Turkiga ayaa ku soo beegmay toddobaadkii uu Netanyahu faafiyay khariidad muujinaysa dhulkaas inuu yahay mid "saaxiib la ah” Israa’iil, Imaaraadka iyo Giriigga. Saddam Xaftar ayaa xitaa bishii Sebtembar kula kulmay Netanyahu dalka Imaaraadka Carabta. Balse Israa’iil waxay arki kartaa in sheegashada sii ballaaranaysa ee Turkiga aGiriigga ku sii riixayso dhankeeda, sida uu sarkaal reer Yurub ah sheegay.
Xaqiiqada ah in xulafada Giriiggu aysan u dhaqaaqin sidii ay u joojin lahaayeen ansixinta heshiiska badda ee Bariga Liibiya waxay si buuxda u muujinaysaa sida uu gabi ahaanba isu beddelay maabka siyaasadeed iyo isbahaysiyadii Bariga Dhexe.



0 


Sidee Turkiga uga adkaaday isbhayesigii Greece, Israa'iil iyo Imaaraadka Carabta
.