
Dowladda Soomaaliya oo soo saartay habraac cusub oo la xiriira guurka
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay habraac cusub oo guurka, kaasi oo dhigaya in kaliya ay wax isku mehrin karaan garsoore ama ma’duun u diiwaan gashan dowladda.
Wasaaradda ayaa xustay in habraaca cusub ee la soo saaray uu nidaaminayo diiwaangelinta ma’duunnada iyo fulinta guurka, si loo helo hannaan sharci ah oo lagu xaqiijiyo guurka, loogana hortago caqabadaha ka dhasha nidaam la’aanta.
"Wasaaraddu waxay ku wargelinaysaa qof walba oo ay khusayso inay u hoggaansamaan habraacan si xal rasmi ah loogu helo dacwadaha guurka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay sidoo kale adkaysay muhiimadda ay leedahay ilaalinta sirta iyo xogta shakhsiga ah ee la xiriirta guurka, iyadoo tilmaantay in arrintani ay qayb ka tahay nidaamka cusub ee lagu maamulayo adeegyada guurka.
Habraaca ayaa dhigaya in la nidaamiyo diiwaangelinta, tababarka, rukhsad-siinta iyo kormeerka ma’duunnada iyo sidoo kale habraacyada fulinta, xaqiijinta iyo diiwaangelinta guurka.
Wasaaradda ayaa dhammaan dadka ay khusayso ku boorrisay inay raacaan habraaca cusub, iyadoo sidoo kale ku wargelisay hay’adaha dowladda ee ay khusayso inay gutaan waajibaadkooda la xiriira nidaaminta arrimaha guurka.
Ugu dambayntiina, Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa ka codsatay bahda garsoorka, wasaaradaha caddaaladda ee dowlad-goboleedyada, maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha kale ee ay khusayso inay xoojiyaan wada-shaqaynta si looga gudbo caqabadaha ka jira arrimaha guurka.



0 



Dowladda Soomaaliya oo soo saartay habraac cusub oo la xiriira guurka
.