SAWIRRO: Xulka qaranka ee 17-jirada oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

0
Wednesday October 21, 2026 - 13:21:23 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 64
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRRO: Xulka qaranka ee 17-jirada oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Garoonka diyaaradaha Adan Abdulle Internatioanal Airport waxaa Maanta ka soo degay oo si weyna loogu soo dhaweeyay Xulka qaranka ee 17-jirada Somalia kuwaasoo dalka Ruwanda uga soo qeybgalay tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Soo dhaweynta Xulka Qaranka waxaa qeyb ka ahaa Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu horkacayay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdulqaadir,Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed, Xildhibaan Aamina Maxamed Mursal iyo dadweyne badan,kuwaasoo gudaha garoonka safaf u galay soo dhaweynta xulka qaranka 17-jirada oo wacdaro ka soo dhigay tartankii ay ka soo qeybgaleen.

Masuuliyiintii ka qeybgalay soo dhaweynta waxay ciyaartoyda ku amaaneen dadaaalkooda iyo sharafta ay Somalia u soo jiideen madaama ay kaalinta labaad ka galeen tartanka markii ay fiinaalka ka hortageen xulka Uganda balse rogoorayaal la dhigay ayaa Somalia si dirqi ah looga qaaday koobka.

Sidoo kale waxaa lagu bogaadiyay ciyaartoydeena  u soo bixitaan kooda tartanka CAF ee qaaradda Afrika,dhanka kale  Wasiirka ciyaaraha ayaa sheegay in ciyaartoyda loo qaban doono munaasabad maamuus ah marka ay nastaan.

May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and text

   

No photo description available.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip