Xog: Golaha Mustaqbalka oo ku shiraya Nairobi, kadib tallaabadii Xasan

0
Sunday October 18, 2026 - 23:20:22 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 68
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: Golaha Mustaqbalka oo ku shiraya Nairobi, kadib tallaabadii Xasan

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Xubnaha Golaha Mustaqbalka oo ka kooban Madasha Samatabixinta Mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland ayaa la filayaa in maalmaha socda ay isugu tegaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo ay ku yeelan doonaan shir xasaasi ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo aad ugu dhow golaha.

 

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirka ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka, gaar ahaan arrimaha kasoo kordhay doorashooyinka, maadaama uu Guddiga Doorashooyinka Qaranka uu maalin kahor ku dhawaaqay jadwadalka doorashooyinka ee heer federaal, gaar ahaan doorashada labada Aqal iyo tan Madaxweynaha.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xubnaha mucaaradka, iyo madaxda labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland ay ka tashan doonaan tallaabada ay qaaday dowladda oo ay horay u qaadaceen dhinacyada, iyaga oo arrintaas ku tilmaamay tallaabo hal dhinac ah oo halis galineysa dalka.

 

Qaar ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee shirka ayaa ah in madaxdu ay si gaar ah uga tashan doonaan fulinta ajendayaal horay ugu diyaarsanaa iyo kuwa kale oo ku aadan in go’aan mid ah ay ka qaataan tallaabada dowladda Soomaaliya ee ku aadan doorashooyinka.

Sidoo kale, waxa ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan wakiilada beesha caalamka oo ay kala hadlayaan xaaladaha soo kordhay, si xal loogu helo khilaafka daba dheeraaday ee dalka.

Kooxaha mucaaradka ayaa horay u sheegay in dowladda aysan cidna kala tashan go’aannada ay qaadanayso, iyaga oo arrintaas ku tilmaamay mid aan horay uga dhicin xitaa dowladdii milatariga.

 

"Talada dhaxda lama dhigaayo kaliya aniga halay dhageysto qofna lama tashanaayo oo hadana loo sacbiyo waa wax cajiib ah xitaa Dowladii malatariga ma sameyn arinkaas,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sabtidii Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Xasan Sheekh Maxamuud uu Jimcihii lasoo dhaafay beeniyay hadal-haynta la xiriirta in Dowladda Federaalka ay qorsheyneyso weerar ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo sheegay inaysan jirin cid ay doonayaan inay dagaal ku qaadaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin karo wada-hadal, isaga oo carrabka ku adkeeyay in albaabka wada-xaajoodku mar walba u furan yahay dhinacyada ay kala aragti duwanaanshuhu ka dhexeeyo.

Xigasho:-caasimadda.net



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip