Mid ka mid ah Culumaa'udiinka Soomaaliyeed oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xassan

0
Sunday October 18, 2026 - 14:10:12 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 63
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid ka mid ah Culumaa'udiinka Soomaaliyeed oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xassan

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa weerar afka ah wuxuu ku qaaday Madaxda sare ee Somalia gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh isagoona ku eedeeyay inuu ka been sheegay hadalo dhawaan uu ku sheegay in Somalia ganacsi ahaan soo koreyso islamarkaan ay hada joogto heer dalka dibadiisa ganacsiyada loo dhoofiyo.

Hadaba qoraal uu Sheekh Maxamed Idiris soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sidan u qornaa:-

Waxaan dhegeystey hadal madaxweyne Xasan meel ka jeediyey bishii hore, R Wasaarihiisa ku hadal qabsaday: "$300 milyan ayaan caana boore aan taya lahayn ku soo iibsannaa” iyo hadal kale oo kasii weyn: "Waxaan nahay ummad wax soo dhoofsata (Import oriented) waxaa la rabaa inaan noqonno ummad wax dhoofisa (Export oriented).

Mudane Madaxweyne Ilaahay maad baqdid, madaxaagu waa cirraystay, isku da’ beynu nahay ama waa isku dhownahay.

Maxaad afka u marsan, oo si (dhayal ah) uga hadli (luqadda jirkaaga – body language) wax aad ogtahay ineydaan kaba shaqayn adiga iyo dawladdaada iyo tii kaa horreysey iyo taadii ka horreysey (2012-2026)? Maxaad u sheeg sheegi? (لم تقولون مالا تفعلون، كبر مقتا عندالله أن تقولوا ما لا تفعلون ).

Madaxweyne waad ogtahay: In wax la dhoofiyo waxaa ka horreeya wax la sameeyo (la wershedeeyo), in wax la wershedeeyana waxaa ka horreeya in maalgashi yimaado gudo iyo dibad, in maalgashi yimaadana waxaa ka horreeya in dawladdu dhisto awood koronto (electricity) iyo kaabayaal (infrastructure) siiba waddooyinka, intaaba waxaa ka horreeya oo saldhig u ah nabad gelyo, degganaan siyaasadeed, iyo sharciyo fududaynaya maalgashiga iyo wax dhoofinta sida (goobaha ganacsiga xorta ah – economic free zones). Intaaba waxaa ka sii horreeya in la doono (will) dadkeediina la baadi goobo.

Dalalka East Africa Ethiopia ayaa ugu awood koronto badan, waana 6.75 ama 7 GW. Iyadaana ugu maalgashi badan. Kenya ayaa ku xigta: waa 3.80 GW, Tanzania: 2.73 GW, Uganda: 2.06 GW, (SOOMAALIYA: 0.48 GW). Maxaad dhoofisaa doonta ma dhagaxaad ku socodsiin?



 

Dadka wax dhoofinaya ama la maal gashanayo ama wax wershedeynaya waa dad shaqadaa ku fooggan: Vietnam: 80GW, Thailand: 50 GW, Malaysia: 45 GW, Turkiga: 120 GW, Sucuudi: 121 GW, Masar: 63 GW, Imaaraat: 46 GW. Maalgashi iyo wershedo iyo wax dhoofin = Rabitaan + Dad + Degganaan + Sharciyo + koronto + kaabayaal ). Sidaa awgeed 2025 wexey dalalkaasu dhoofiyeen:

= Vietnam: $475 bn, = Malaysia: $380 bn, = Thailand: $339b


XIGASHO:-DAYNIILE.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip