
Kuraasta xildhibaannadii ka goostay Waqooyi Bari oo la buuxiyay iyo xiisad taagan
Kulan ay maanta yeesheen xildhibaannada maamulka Waqooyi Bari ayaa isku beddelay buuq iyo gacan qaad kadib markii qaar ka mid ah mudanayaashu ay ka horyimaadeen habraaca loo maray buuxinta shantii kursi ee ay baneeyeen xubnihii ku biiray Somaliland.
Khilaafka ayaa salka ku haya kuraas ay leeyihiin xildhibaanno ka soo jeeda gobolka Sanaag, kuwaas oo ku eedeeyay hoggaanka maamulka in si aan waafaqsanayn habraaca loo buuxiyay boosaskii ay baneeyeen xubnaha Somaliland ku biiray.
Xildhibaannada cabashada muujiyay ayaa sheegay in xoog lagula wareegay kuraastooda, iyagoo eeddaas si gaar ah ugu jeediyay madaxweynaha Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye).
Dhankiisa, madaxweyne ku-xigeenka maamulka, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan) ayaa walaac ka muujiyay xaaladda ka dhex taagan Golaha Wakiillada, isaga oo sheegay in la hareer maray heshiisyadii iyo wadajirka lagu dhisay maamulka.
"Waa ayaan-darro weyn waxa Golaha Wakiillada Waqooyi Bari ka socda. Taasi waxay wiiqaysaa wax-wada-lahaanshaha iyo heshiiskii bulsho ee la wada galay. Waxaan eegaynaa waxa ay dhasho,” ayuu Abwaan ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee Waqooyi Bari, gaar ahaan madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, kuwaas oo muddooyinkii dambe isku hayay arrimaha maamulka.
Labadan mas’uul ayaa haatan la sheegayaa inay ku dhow yihiin inay mooshin xilka iskaga tuuraan, iyadoo khilaafkoodu uu muddo soo jiitamayay.


0 




Kuraasta xildhibaannadii ka goostay Waqooyi Bari oo la buuxiyay iyo xiisad taagan
.