
Ciidanka Itoobiya oo lagu eedeeyey in ay fududeeyeen qabsashadii degmooyinka K/G
Iyadoo ay faraha kasii baxayso xaaladda amni ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa su’aalo laga keenay doorka Itoobiya ee qalalaasaha ka jira maamulkaasi, maadaama ciidamadooda ay joogaan gobollada Baay iyo Bakool oo kamid ah meelaha ay ka jiraan colaadaha iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan.
Dowladda Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inay qeyb ka tahay xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka taagan deegaannada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo walaac laga muujiyay dhaq-dhaqaaqyada ciidamadeeda iyo saameynta ay ku yeelan karaan xasilloonida gobolka.
Xogahaa la helay ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya oo jooga ay maleeshiyaad hubeysan oo lagu tilmaamay Al-Shabaab ay qabsadeen magaalooyin ay kamid tahay Buurhakaba, taas oo bannaanka keentay inay ka gaabsadeen difaacidda amniga degmooyinka ay ka howlgaan.
Koonfur Galbeed ayaa waxaa xilligan ka jira iska horimaadyo u dhexeya ciidamada dowladda iyo kuwa kale oo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), waxaana xaaladda amni ee deegaanno ka tirsan gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose ay tahay mid cakiran.
Warbixin lagu daabacay Red Sea Axis oo soo xiganayo ilo maxalli ah ayaa sheegaysa in ciidamada Itoobiya ay si kutala-gal ah uga baxeen magaalooyin katirsan gobolka Baay, iyagoo u fududeeyay inay la wareegaan maleeshiyaadka hubeysan.
In Ciidamada Itoobiya ka baxaan saldhigyo markii hore si dhib badan Al-Shabaab looga saaray ayaa warbixintu sheegtay inay tahay arint khatar ah oo wiiqaysa dadaalladii saaxibada caalamka ee taageerada siiya Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dowlad-dhiska iyo mlaagelintii dhaqaale ee Midowga Yurub oo tan iyo 2007-dii.
Sidoo kale, warbixinta ayaa iftiimeysay in Imaaraadka Carabta uu ku lug leeyahay dagaalka, uuna maalgelinayo dagaalka Koonfur Gabeed, si usii huriyo colaadda ka taagan halkaasi.
Si kastaba, ha’ahaatee, Arrimahan ayaa walaac xooggan abuuraya, maadaama Itoobiya ay dhawaan kasoo horjeysatay shirkii Masar ka dhacay ee Amniga Badda Cas iyo Geeska Afrika looga hadlay, iyadoo maqaal lagu daabacay Wakalaadda Wararka Itoobiya eedeyn culus loogu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay shirkaasi.


0 



Ciidanka Itoobiya oo lagu eedeeyey in ay fududeeyeen qabsashadii degmooyinka K/G
.