Xogta shir ay Isimida beesha Daarood ku yeesheen Nairobi

0
Friday October 16, 2026 - 23:15:17 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 41
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogta shir ay Isimida beesha Daarood ku yeesheen Nairobi

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan ay shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku yeesheen inta badan isimada dhaqanka beesha Daarood, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo duruufaha ka jira deegaannada ay kasoo jeedaanGaraadka ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid ay isimadu isku xog-waraysteen, isla markaana ay ku falanqeeyeen arrimo mudnaan gaar ah u leh deegaannada ay dhaqanka u yihiin.

"Kulanka oo ahaa is-xogwaraysi waxaanu odayaasha iska xogwaraysannay xaaladda guud ee dalka iyo deegaannada aanu odayaasha dhaqan u nahay, iyada oo la isku raacay hirgelinta arrimo badan oo deegaannada hortebin u leh,” ayuu yiri Garaad Jaamac.

 

Kulanka kaddib, isimada Daarood ee ku sugan Nairobi ayaa la filayaa inay safar ku tagaan Puntland, halkaas oo ay kaga qayb geli doonaan shir nabadeed oo lagu qaban doono magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Safarkan ayaa la xiriira baaq ay isimadu ka aqbaleen Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, kaas oo ku saabsanaa dadaallada lagu nabadeynayo beelaha ku dhaqan Sanaag.

Sida qorshuhu yahay, isimadu waxay marka hore tegi doonaan magaalada Garoowe ka hor inta aysan u sii gudbin Badhan, halkaas oo lagu wado in lagu qabto shirka nabadeed.

 

Shirka ayaa qayb ka noqonaya dadaallada dhaqanka ee lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadaha beelaha Sanaag, inkasta oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin ajandaha kulanka iyo beelaha sida tooska ah uga qayb geli doona.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip