
Fahad Yaasiin oo si cajiib ah uga hadlay hadalkii Madaxweyne Xassan
.
Agaasimihii hore ee Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin oo ka mid ah mucaaradka Golaha mustaqbalka ayaa caawa si la yaab leh uga hadlay hadalkii Madaxweyne Xasan ee ahaa talada wax dhulka la dhigaayo ma jirto.
"Xasan Sheekh wuxuu doonayaa inuu haadaan ka tuur qaranka oo uu xaaladda Soomaaliya la aado jidka Al Burhaan iyo Xamayiiti: labo Madaxweyne, labo dowladood iyo labo ciidan”ayuu yiri Fahad Yaasiin
Fahad wuxuu intaasi ku daray in qorshaha Madaxweyne Xasan ku socdo inay ka danbeeyaan oo ay ka dhaadhiciyeen Dowlado shisheeye sida uu qoraalkiisa ku muujiyay.
"Dowlad shisheeye ayaa ka dhaadhicisay kursiga haka kicin, iyagoo uga dan leh in Soomaali lasii kala fogeeyo. Ilaahay idankiis damacaas uma hirgalayo”ayuu mar kale yiri Fahad yaasiin.



0 



Fahad Yaasiin oo si cajiib ah uga hadlay hadalkii Madaxweyne Xassan
.