
DAAWO: Diinsoor oo Caawa gashay gacanta Ciidamada Laftagareen
.
Wararka laga helaayo Gobolka Bay ayaa sheegaya in goor dhaw oo caawa ah in ciidamada Laftagerebn la wareegeen Degmada Diinsoor waliba iyadoon wax dagaal ahi ka dhicin.
Degmada Diinsoor waxay noqoneysaa Magaaladii afaraad oo gacanta Laftagareen soo gasha wax ka yar 3 maalin ,sidoo kale waxaa 5 ku ah deegaanka Awdiinle oo aad ugu dhaw Baydhaba.
Muuqaal cadeynaya inay ciidamada laftagareen habeenimo galeen Magaalada Diinsoor ayaa baraha bulshada lagu faafiyay.
Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koofurgalbeed Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo Muqdisho ku sugan ayaan wali ka hadlin jabka soo gaaray maamulkiisa oo hada u muuqda inay Gobolka Bay ka joogaan kaliya Magaalada Baydhaba oo ah xarunta maamulka.
Video Player
XIGASHO:-DAYNIILE.COM


0 


DAAWO: Diinsoor oo Caawa gashay gacanta Ciidamada Laftagareen
.