Mucaaradka oo Hawiye u gudbiyey dacwad ka dhan ah Xasan, kana dalbaday…

0
Tuesday October 13, 2026 - 09:44:46 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 60
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucaaradka oo Hawiye u gudbiyey dacwad ka dhan ah Xasan, kana dalbaday…

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo xalay shir jaraa’id ku qabtay hoyga uu magaalada Muqdisho ka degganay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay isku-day weerar oo ka dhan ah Shariif.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ugu yeeray madaxweyne hore, laga celcelinayo inuu weeraro guriga Shariif.

"Xasanow, ninka lagaa celcelinayo waa ninkii hoggaamiye kooxeedyada dalka ka saaray ee la yaqaan waxa uu yahay ee Sheekh Shariif,” ayuu yiri Odowaa.

 

Waxa uu intaas ku sii daray: "Shantii habeen ee la soo dhaafay gurigiisa ayaa lagaa celcelinayay, adigoo doorashadii maafiyada ahayd qaatay.”

Odowaa ayaa beesha Hawiye ku dacweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo sidoo kale beesha ugu baaqay inay gacanta ka qabtaan madaxweynaha, isla markaana ay gardaradiisa ku qaadan Madaxweynaha, sida uu hadalka u dhigay.

"Umadda Hawiye ee magaaladan deggan waxaa la rabaa in ciddii gardarrada leh la saaro, cidda aan gardarrada lahayna garteeda loo sheego. Haddii kale, warkii Hawiyaha isku layn jiray ee ahaa ‘Cali-na gar leh, Caydiidna gar leh ayuu warkiinu noqonaya,” ayuu yiri Xildhibaan Odowaa.

 

Hadalkan ayaa imanaya xilli shalay si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo u dhexeeyay ciidamada Shariif Sheekh Axmed iyo kuwa dowladda, kuwaas oo qarka u saarnaa inay isku dhacaan kaddib markii ay labada dhinac isku soo dhowaadeen, taas oo dhalisay cabsi laga qabo inuu dagaal dhex maro labada dhinac.

Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) oo dhankeeda soo bandhigtay caddeymo ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan kuwa Shariif oo ku hubeysnaa qoryaha AK-47, BKM iyo RPG ay xoog ku galeen guryo ku yaalla xaafadda Tiintiinley ee degmada Wadajir. Hase yeeshee, madaxweynihii hore ayaa eedeymahaas iska fogeeyay.

Sidoo kale, NISA ayaa sheegtay in 24-kii Juun 2026 ay maleeshiyaadkan weerar ku qaadeen ciidamada Ilaalada Shacabka, isla markaana ay afduubteen mid ka mid ah ciidamadii gudanayay waajibaadkooda. Hay’addu waxay intaas ku dartay in 27-kii Juun 2026 ay mar kale hor istaageen howlaha amni ee ciidamada ka waday Waaxda General Daa’uud.

 

Dhankiisa, madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ayaa soo bandhigay tabashooyinkiisa iyo eedeymo uu u jeediyay ciidamada dowladda. Waxa uu tilmaamay inay jireen dhacdooyin isdaba joog ah oo walaac amni abuuray, kuwaas oo ay ka mid yihiin jidgooyooyin iyo xannibaado saameeyay isu-socodka agagaarka deegaanka uu deggan yahay Shariif.

Waxa uu sidoo kale xusay in la hor istaagay adeegyada daruuriga ah ee nolol maalmeedka, sida biyaha iyo cunnada, balse ay muujiyeen dulqaad si looga fogaado isku dhac hubeysan.

Si kastaba, xiisadda labada dhinac ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayso xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa mucaaradka iyo dowladda, taas oo salka ku haysa muranka doorashooyinka iyo dastuurka cusub.

Somali opposition to resume direct talks with President Mohamud




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip