
Xasan Sheekh oo meesha ka saaray walaaca mucaaradka, caddeeyayna in aan…
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay hadal-haynta la xiriirta in Dowladda Federaalka ay qorsheyneyso weerar ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo sheegay inaysan jirin cid ay doonayaan inay dagaal ku qaadaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin karo wada-hadal, isaga oo carrabka ku adkeeyay in albaabka wada-xaajoodku mar walba u furan yahay dhinacyada ay kala aragti duwanaanshuhu ka dhexeeyo.
"Cid dagaal lagu qaadayo iyo cid dagaal u socota ma jirto, siyaasad qori caaraddiisa lagu fulinayo ma jirto, qof iyo guri la weerarayo ma jirto, waxaana caddayn u ah ma jiro qof siyaasi ah oo xabsi ku jira,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sheegay inaan loo baahnayn in loollanka siyaasadeed loo beddelo iska horimaad, maadaama ay jiraan waddooyin kale oo lagu xallin karo khilaafaadka.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in tartanka ku saabsan mustaqbalka dalka iyo hoggaamintiisa uu u furan yahay qof kasta oo aaminsan inuu awood u leeyahay inuu ka qayb qaato siyaasadda Soomaaliya.
Waxa kale uu xaqiijiyay in dowladdu diyaar u tahay inay dhageysato siyaasiyiinta iyo dhinacyada qaba aragtiyo ka duwan kuwa dowladda, isaga oo muujiyay in kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed lagu wajihi karo is-faham iyo wada-hadal.
Ugu dambeyntiina, madaxweynaha ayaa ku celiyay in wada-hadalku yahay waddada lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed, isagoo meesha ka saaray eedeymaha sheegaya in Dowladda Federaalka ay qorsheyneyso inay awood ciidan u adeegsato mucaaradka.



0 



Xasan Sheekh oo meesha ka saaray walaaca mucaaradka, caddeeyayna in aan…
.