
Taliyaha Booliska Hirshabelle oo digniin ka soo saaray "Ciyaal Weero" ka howlgala Jowhar
Taliyaha ciidanka Booliska dowlad-goboleedka Hirshabelle, Xasan Dhicisow Xasan, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay saldhigga booliska ee magaalada Jowhar, isagoo si gaar ah uga hadlay xaaladda amniga magaalada iyo kooxaha loo yaqaanno "Ciyaal Weero” oo uu sheegay inay si weyn ugu bateen waddooyinka magaalada.
Taliyuhu wuxuu sheegay in kooxahan ay cabsi iyo amni-darro ku abuureen dadka ku nool Jowhar, ayna dhibaato ku hayaan dadka rayidka ah, ciidamada iyo gaadiidka isticmaala waddooyinka magaalada.
"Maanta oo ay taariikhdu tahay toddobada bisha tobnaad, shir jaraa’id ayaan qabanay. Shirka jaraa’id wuxuu ku saabsan yahay Ciyaal Weerada. Magaalada Jowhar waxaa ku soo batay Ciyaal Weero. Ciyaal Weeradaas oo loo maara la’ yahay magaaladii,” ayuu yiri Taliyaha Booliska Hirshabelle.
Wuxuu sheegay in kooxahan ay dhagxaan ku tuuraan dadka, oo aysan u kala soocin waayeel iyo carruur, isla markaana ay waddooyinka istaagaan, Sidoo kale, Taliyuhu wuxuu sheegay in kooxahaasi ay caqabad ku noqdeen ciidamada dowladda iyo gaadiidka magaalada mara, isagoo xusay in mararka qaar ay isku dayaan inay lacag ka qaadaan gaadiidka iyo dadka.
Wuxuu sheegay in xaaladda kooxahan ay hadda ka gudubtay waxa loogu yeeri jiray "Ciyaal Weero”, ayna isu beddeleen waxa uu ku tilmaamay "Ciyaal Burcad”.
Taliyaha Booliska Hirshabelle ayaa sheegay in Hirshabelle ay go’aan ka qaadatay kooxahan, isagoo sheegay in hay’adaha amniga la siiyay amar buuxa oo ay kula dagaallamaan.
"Cadawga Al-Shabaab sidaan ula dagaallanno, sidaas ayaan laga bilaabo maanta ula dagaallamaynaa Ciyaal Weero,” ayuu yiri Xasan Diqsiow Xasan.
Wuxuu sheegay in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono dadka lagu helo falalkaas, oo ay ku jiraan xarig, maxkamadeyn iyo dagaal, Sarreeye Guuto Xasan Dhicisow Xasan ayaa sidoo kale digniin kama dambeys ah u diray waalidiinta dhalay carruurta uu ku eedeeyay inay ku jiraan kooxaha Ciyaal Weerada.
Wuxuu waalidiinta ugu baaqay inay carruurtooda gacanta ku qabtaan oo ay ka reebaan falalka amni-darrada ah, isagoo sheegay in haddii aysan sidaas sameyn, tallaabo laga qaadi doono, "Waalidkii dhalay ilmahaas, ilmihiinna gacanta ka qabsada. Waxaan idin leeyahay ilmihiinna gacanta ka qabsada,” ayuu yiri.
Taliyuhu wuxuu sheegay in ciidamadu ay garanayaan qaar ka mid ah dhalinyarada uu sheegay inay ku dhuuntaan geedaha iyo meelaha kale ee magaalada ku yaalla.
"Maanta ka dibna anaa layga rabaa waalidka. Kii far-dheer ka soo naqda annagaa tallaabo ka qaadeyna,” ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray in waalidiintu aysan dambe u iman karin inay ka cabtaan haddii carruurtooda la xiro ama tallaabo laga qaado.
Taliyaha Booliska Hirshabelle ayaa sheegay in falalka kooxahaasi ay gaareen heer uu ku tilmaamay mid khatar ku ah magaalada Jowhar.
Wuxuu sidoo kale sheegay inuu dareemayo in kooxahan la soo adeegsaday, isla markaana uu jiro tuhun ah in xiriir ay la leeyihiin Al-Shabaab, "Waxaan dareemeynaa in la soo adeegsaday. Al-Shabaab iyo xiriir lala leeyahay, ay meeshaas laga soo adeegsanaan dareemeynaa Ciyaal Weero,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in dhacdooyinka ay sameynayaan ay u muuqdaan kuwo la mid ah falal ay horay u sameyn jireen Al-Shabaab.
Taliyuhu wuxuu mar kale ugu baaqay waalidiinta, ha noqdaan hooyooyin, aabbayaal ama awoowayaal, inay carruurtooda ka reebaan Ciyaal Weerada.


0 



Taliyaha Booliska Hirshabelle oo digniin ka soo saaray "Ciyaal Weero" ka howlgala Jowhar
.