BF oo tallaabo ka qaadaya wasiirka caafimaadka kadib dhacdadii shalay + Video

0
Wednesday October 07, 2026 - 14:28:30 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BF oo tallaabo ka qaadaya wasiirka caafimaadka kadib dhacdadii shalay + Video

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Xasan Murjaan oo maanta la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay inay tallaabo ka qaadayaan Wasiirka Caafimaadka, Dr. Cali Xaaji, ayna wax ka waydiin doonaan dhacdadii shalay, kadib markii uu carooday isagoo horjoogo Guddiga Adeegga Bulshada ee Baaralamaanka oo su’aallo ka waydiinayay howlaha wasaaradda.

 

Wasiirka ayaa Talaadadii diiday in Telefishinka Universal uu si toos ah u tabiyo su’aalaha ay xildhibaannadu weydiinayaan, isagoo dalbaday in la joojiyo baahinta tooska ah ee kulanka.

Cali Xaaji ayaa shaaca ka qaaday in uusan ka jawaabi doonin su’aalaha xildhibaannada, haddii Telefishinka Universal uu sii wado baahinta tooska ah ee kulanka, isaga oo guddoomiyaha guddiga ka codsaday in wariyeyaasha Tv-gaas laga saaro hoolka.

 

 

"Guddoomiye TV-ga Universal hoolka waa inay ka baxaan, haddii kale aniga su’aalaha kama jawaabayo. TV-ga wuu diidan yahay inuu joojiyo Live-ka, sidaas darteed haddii uusan baxaynin, annaga ayaa baxayna,” ayuu yiri Wasiir Cali Xaaji Aadan.

Intaas kadib waxaa maanta soo jawaabay Xildhibaan Maxamed Xasan Murjaan oo ah guddoomiye ku xigeenka Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka, isaga oo sheegay inay u yeeri doonaan wasiirka, ayna tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan, sida uu hadalka u dhigay.

"Inuu wasiir soo fariisto oo uu dhoho Idaacad hebel ha’iga baxdo aad ayaan uga xunahay sharcigana ma qabo, hay’adahan waa madax bannaan yihiin waana ka xunahay, mana ka yeeli doono tallaabo sharci ah ayaan ka qaadeynaa wasiirka,” ayuu yiri Xildhibaan Murjaan.

 

 

Sidoo kale wuxuu kusii daray "Warbaahinta madaxabannaan xaq ayay u leedahay wixii khaldan ayay sheegee, wixii saxana waa sheegee cid laga yeelaayana ma jirto”.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Sabtida soo socota ay u yeeri doonaan Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, ayna wax ka waydiin doonaan is hortaagga uu ku sameeyay Universal TV.

"Wixii arrintaas ku kalifay Sabtiga ayuu sheegi doonaa, waxaana horkeeneynaa baarlamaanka, guddigana waa ku ballanay,” ayuu sii raaciyay xildhibaanku.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip