NISA: Howlgal ka dhacay Jilib oo lagu dilay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Al-Shabaab

0
Wednesday October 07, 2026 - 09:52:54 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 65
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NISA: Howlgal ka dhacay Jilib oo lagu dilay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Al-Shabaab

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in howlgalkii qorsheysnaa ee ka dhacay degmada Jilib lagu dilay Bashiir Axmed Xaaji Nuunow, oo ay ku tilmaantay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa garabka amni ee kooxda Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay NISA soo saartay, howlgalka ayaa dhacay habeenkii 1-da Oktoobar, iyadoo hay’addu sheegtay in uu ahaa howlgal ay fulisay iyadoo kaashanaysa saaxiibada caalamka.

NISA waxay sheegtay in Bashiir Nuunow uu hoggaanka waaxda ay Al-Shabaab ugu yeerto Amniyaadka hayay intii u dhaxaysay 2016 iyo 2024. Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay inuu adeegsan jiray magacyada Geescadde, Fanax, Gardhuub iyo Cali Dheere.

Sida ay NISA sheegtay, Nuunow wuxuu door ku lahaa qorsheynta iyo fulinta weerarro ay kooxda Al-Shabaab ka geysatay gudaha Soomaaliya, waxaana hay’addu ku xustay weerarkii 14-kii Oktoobar 2017 ee Isgoyska Soobe, weerarkii Ex-Control Afgooye, qaraxii loo yaqaan Soobe 2, iyo weerarro kale oo ka dhacay Muqdisho.

NISA: Howlgal ka dhacay Jilib oo lagu dilay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Al-Shabaab

 

NISA ayaa sheegtay in howlgalka Jilib uu qayb ka yahay dadaallo ay hay’addu ku baacsanayso hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ee ay ku eedeysay inay ku lug lahaayeen weerarrada lagu beegsaday shacabka Soomaaliyeed.

Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in geerida Bashiir Nuunow ay saameyn ku yeelan karto hoggaanka iyo shabakadaha kooxda, gaar ahaan kuwa loo adeegsado qorsheynta iyo fulinta weerarrada.

NISA: Howlgal ka dhacay Jilib oo lagu dilay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Xigasho:-Hiiraan.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip