
Soomaaliya: Webiga Shabeelle oo 366 Goobood ka Dillaacay, Khatarta Fatahaadaha oo Sii Kordheysa
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SODMA) ayaa digniin ka soo saartay khatarta fatahaadaha ka dhalan karta Webiga Shabeelle, iyadoo sheegtay in webigu uu ka dillaacay illaa 366 goobood oo halis ah.
Guddoomiyaha SODMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in xaaladda webiga iyo dayaca muddo dheer ka jiray ay sii kordhiyeen khatarta fatahaadaha, gaar ahaan deegaannada ku dhow wabiga, "Webiga Shabeelle wuxuu ka sameeyay duleelo gaaraya 366 goobood, waana goobo waaweyn oo halis ah,” ayuu yiri Maxamuud Cabdulle.
SODMA waxay sheegtay in Webiga Shabeelle uu muddo dheer la kulmaayay dhibaatooyin la xiriira carro iyo dhoobo ku ururtay marinkiisa, waxa uu shaaca ka qaaday in muddo ku dhow 40 sano aan si joogto ah looga fulin webiga hawlo muhiim ah oo ay ka mid yihiin qodista iyo ka saarista carro ku ururtay marinkiisa, taas oo uu sheegay inay kordhisay halista fatahaadaha.
Fatahaadaha Webiga Shabeelle ayaa sanadihii la soo dhaafay saameeyay kumannaan qof, iyagoo sababay barakac, burburka guryaha iyo dhul-beereedyada.
Mas’uulkaan ugu sareeya Hay'adda SODMA ayaa sidoo kale sheegay in xaaladda amni ee deegaannada ku hareeraysan Webiga Shabeelle ay caqabad weyn ku tahay dadaallada lagu yareynayo khatarta fatahaadaha, isagoo daaha ka qaaday in qaybo ka mid ah dhulka uu webigu maro ay ku dhow yihiin ama ay saameyn ku leeyihiin Al-Shabaab, taasoo adkeynaysa in hay’adaha dowladda iyo dhinacyada kale ay ka shaqeeyaan dayactirka iyo nadiifinta webiga.
Wuxuu tusaale u soo qaatay deegaannada u dhexeeya Jalalaqsi iyo Mahadaay, halkaas oo uu sheegay in qaybo ka mid ah marinka webiga carro lagu shubay, loona beddelay waddo.
Webiga Shabeelle ayaa laf-dhabar u ah nolosha kumannaan qoys oo ku tiirsan beeraha iyo xoolaha, gaar ahaan deegaannada ku dhow jiinkiisa.
Hay’adaha dowladda ayaa wajahaya cadaadis ah in la xoojiyo diyaar-garowga fatahaadaha, iyadoo bulshada ku nool dhulka hoose ay si gaar ah ugu nugul yihiin roobabka xooggan iyo kororka biyaha webiga.



0 



Soomaaliya: Webiga Shabeelle oo 366 Goobood ka Dillaacay, Khatarta Fatahaadaha oo Sii Kordheysa
.