
Ra'iisul Wasaare Xamse Barre oo Ballanbale u tegay dadaallada dib-u-heshiisiinta beelaha
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta gaaray magaalada Ballanbale ee gobolka Galgaduud, halkaas oo uu kaga qeybgalayo dadaallada lagu soo afjarayo khilaaf beeleed oo hore uga dhashay iska horimaadyo hubeysan.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmeysa xilli dowladda federaalka ay kordhisay dadaallada lagu dhex-dhexaadinayo dhinacyada ay colaadaha u dhexeeyeen, iyadoo wararka laga helayo deegaanka ay sheegayaan in wadahadalladu ay horumar ka sameeyeen sidii heshiis looga gaari lahaa khilaafka.
Xamse Cabdi Barre ayaa la filayaa inuu ka qeybgalayo munaasabadda lagu soo xirayo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta, iyadoo wakiillo ka kala socda labada dhinac la filayo inay kala saxiixdaan heshiis lagu xoojinayo nabadda, laguna yareynayo khatarta ay keeni karaan iska horimaadyo kale oo dhex mara maleeshiyaadka.
Gobolka Galgaduud ayaa muddooyinkii hore waxaa ka dhacay dagaallo beeleed iyo dilal aargoosi ah, kuwaas oo si gaar ah u saameeyay bulshada xoolo-dhaqatada ah. Dadaallada dib-u-heshiisiinta ayaa sidoo kale lagu doonayaa in lagu dejiyo xiisadaha, dib loogu soo celiyo isu-socodka bulshada iyo in dadka deegaanka laga yareeyo cabsi iyo walaac.
Dhanka kale, ilo ku dhow safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xamse Barre uu booqan doono qaar ka mid ah xeryaha ciidamada dowladda federaalka ee ku yaalla gobolka. Halkaas waxaa la filayaa inuu warbixinno ka dhageysto saraakiisha ciidamada, isla markaana uu la kulmo ciidamada ku sugan.


0 




Ra'iisul Wasaare Xamse Barre oo Ballanbale u tegay dadaallada dib-u-heshiisiinta beelaha
.