Madaxweyne Xasan Sheekh: Soomaaliya ma oggolaanayso saldhig Israa'iil ka samaysato Somaliland

0
Saturday October 03, 2026 - 21:50:52 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 78
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh: Soomaaliya ma oggolaanayso saldhig Israa'iil ka samaysato Somaliland

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

adaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya aysan aqbali doonin joogitaan Israa’iil oo ka jira dalka, gaar ahaan qorshayaal uu sheegay inay Israa’iil ka waddo magaalada Berbera iyo garoonkeeda diyaaradaha.

 

Xasan Sheekh oo wareysi uu siiyay barnaamijka "Al-Muqabila” ee Al Jazeera oo si buuxda loo baahin doono Axadda, ayaa sheegay in Israa’iil ay qorshaynayso inay saldhig badeed ka samaysato Berbera, isla markaana ay isticmaasho garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ujeeddada dhabta ah ee tallaabooyinkan ay tahay in Israa’iil ay ugu dhowaato dalalka Khaliijka iyo Iiraan. Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay si adag uga hortagi doonto waxa uu ku tilmaamay caqabadda ka dhalanaysa dhaqdhaqaaqyada Israa’iil.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dadka ku nool Somaliland ay si buuxda uga soo horjeedaan joogitaanka Israa’iil, isagoo xusay in Muqdisho ay arrintan uga shaqayn doonto qaab ilaalinaya madax-bannaanida iyo danaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay hore ula kulantay isku dayo lagu doonayay in lagu qaato qaybo ka mid ah biyaha dhuleed ee Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in dib loogu soo celiyay iyadoo la adeegsanayo sharciga caalamiga ah.

 

Waxa uu sidoo kale xusay isku day kale oo lagu doonayay in qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya loo adeegsado helitaanka marin badeed, balse Muqdisho ay diidday.

"Markan sidoo kale waxaan aaminsanahay inaan ka gudbi doonno caqabadda ay Israa’iil waddo,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, Xasan Sheekh wuxuu sheegay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan, isla markaana uu tan iyo markii uu xilka mar kale qabtay dadaal ku bixiyay xoojintiisa.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan wax diidmo ah ka qabin in Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ay badda uga soo baxdo dhulka Soomaaliya, ama ay hesho marin ganacsi oo badeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay Itoobiya u oggolaato isticmaalka laba ama saddex dekedood oo Soomaaliyeed si ay ugu soo dejiso ama uga dhoofiso badeecooyin.

 

Waxa uu tilmaamay in arrintan lagu salayn karo heshiisyo dhaqaale oo qeexaya khidmadaha iyo canshuuraha la xiriira adeegyada dekedaha.

Sida uu sheegay Xasan Sheekh, Itoobiya waxay Soomaaliya u sheegtay inay u baahan tahay marin badeed, balse illaa hadda ma aysan soo gudbin codsi rasmi ah oo arrintaas ku saabsan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda amni ee gobolka, isagoo sheegay in Xuutiyiintu ay xasillooni-darro ka abuureen gobolka isla markaana ay carqaladeeyeen isu-socodka maraakiibta ee marinka Bab al-Mandab.

Waxa uu tilmaamay muhiimadda marin-biyoodkaasi u leeyahay ganacsiga caalamka.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in Maraykanku uu weli yahay saaxiibka ugu xooggan Soomaaliya, isagoo xusay in labada dal uu ka dhexeeyo iskaashi amni oo socda.

 

Isagoo ka hadlayay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, wuxuu sheegay in kooxdaasi aysan hadda ka jirin magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, isla markaana aysan jirin fursad ay mar kale dalka gacanta ugu dhigto.

Madaxweyne Xasan Sheekh: Soomaaliya ma oggolaanayso saldhig Israa’iil ka samaysato Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip