
Soomaaliya oo guuldarro 2-0 ah kala kulantay Côte d'Ivoire
Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guuldarro 2-0 ah kala kulmay xulka Côte d’Ivoire, kulan ka tirsanaa isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika ee 2027.
Soomaaliya ayaa si wanaagsan uga hortagtay Côte d’Ivoire, waxaana labada xul ay ku kala nasteen qeybtii hore ee ciyaarta 0-0. Ciyaartu waxay sidaas ku sii socotay ilaa daqiiqadihii ugu dambeeyay.
Côte d’Ivoire ayaa daqiiqaddii 89-aad heshay goolkeedii koowaad, waxaana u dhaliyay Ban Khouo.
Soomaaliya ayaa isku dayday inay ka soo laabato, balse xulka Côte d’Ivoire ayaa daqiiqaddii shanaad ee waqtigii dheeriga ahaa dhaliyay goolka labaad, waxaana markale shabaqa soo taabtay Bazoumana Nouri.
Natiijadan waxay Côte d’Ivoire siisay 3 dhibcood, iyadoo guud ahaan yeelatay 6 dhibcood kadib laba guulood oo xiriir ah.
Soomaaliya ayaa dhankeeda weli aan wax dhibco ah helin, kadib markii sidoo kale laga adkaaday kulankeedii koowaad ee isreeb-reebka oo ay la ciyaartay Gambia.
Guuldarradan ayaa Soomaaliya ka dhigaysa inay u baahan tahay natiijooyin wanaagsan kulamada soo socda haddii ay doonayso inay sii noolaato rajadeeda ku aaddan u soo bixitaanka Koobka Qaramada Afrika 2027.


0 



Soomaaliya oo guuldarro 2-0 ah kala kulantay Côte d'Ivoire
.