
Riyadii guurka oo isku beddeshay Geeri – Qisada xanuunka badan ee Maryan
Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyootay Marxuumad Maryan Maxamed Cabdi, oo ahayd gabar da’yar oo rajo weyn ka qabtay nolosha, isla markaana ku jirtay diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee arooskeeda.Maryan, oo ahayd gabar ay waalidkeed si weyn ugu tiirsanaayeen ayaa xalay si nabad ah ugu hoyatay gurigeeda, balse saq-dhexe ayay u timid geeridii xaqa ahayd, sida ay sheegeen ehelladeeda.
Marxuumadda ayaa maalmaha soo socda ku howlanayd arooskeeda, iyadoo ay maalmo kooban ka harsanaayeen maalintii ay rajaynaysay inay noqoto bilowga nolosheeda cusub, hase yeeshee qorshihii guurka ayaa si lama filaan ah isu beddelay sagootintii ugu dambeysay ee nolosheeda.
Juure Sheekh Xuseen, oo ah wiilka ay Marxuumad Maryan qorsheynayeen inay wada aqal-galaan ayaa ka sheekeeyay qisadan xanuunka badan, isagoo sheegay in labada waalid ay isku raaceen guurka, isla markaana ay wax walba u socdeen sidii loo qorsheeyay. Waxaase qaddarta Alle ay noqotay in farxaddii la sugayay ay isu beddesho murugo iyo baroor-diiq, iyadoo geeridu ka soo hormartay maalintii arooskooda.
Hoos ka akhriso qoraalka Juure oo dhammaystiran;-
Maryam Maxamed Cabdi, marka hore waxaan Alle uga baryayaa inuu u naxariisto, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qabrigana u waasiciyo oo u iftiimiyo.
Toddobaadkan ayaan ku ballansanayn in meherkeennu dhaco. Hooyadeed iyo aabaheed, oo ay kaligeed u ahayd, waxayna ogaayeen inaan is jecel nahay soona doona rabo. Aad ayaan u jeclaa Maryam, waxaana ii muuqatay inay ahayd riyo guur iyo mustaqbal ifaya oo aan wadaagi doonno.
Maryam waxay ahayd qof Ahlu-Diin ah. Mar walba waxay igala hadli jirtay inaan Qur’aanka wada xifdinno haddii aan is guursanno, sidoo kalena waxay mar walba igu waanin jirtay Alle ka cabsiga iyo dhowrsanaanta.
Shalay galab, anigoo shaqada ka sii baxaya, ayay ii soo qortay fariin qalbigayga weligeed ku sii jiri doonta:
"Jacaylkaygiiyow, ma garanayo eray aan ku cabbiro waxa qalbigaygu kuu qabo, sababtoo ah jacaylka aan kuu qabo erayo kama weynaan karo. Waxaad noqotay qof aan qalbigayga ka dhex arko xitaa marka indhahaygu ku waayaan…”
Waxay ii sheegtay inay rabto inay noqoto qofka garabkayga istaaga marka aan faraxsanahay iyo marka ay noloshu igu adkaato.
Xalay, iyadoo caafimaad qabta, ayay ii sheegtay inay daallan tahay, salaaddana ay rabto inay tukato. Waxay igu tiri:
"Berri ayaan wada hadleynaa.”
Aniguna waan sii salaamay, anigoo aan marnaba ogeyn in hadalkaas uu noqon doono salaantii ugu dambaysay ee aan is dhaafsanno.
Subaxnimadii hore waxaa ii timid fariintii ugu naxdinta badnayd ee aan nolosheyda maqlo. Dumashiday, oo arrinteena ogeyd, ayaa ii soo qortay:
"Asc dumashi, horta aad baan uga xumahay inaan arrintan naxdinta leh kuu sheego. Maryan Alle ayaa naga jecladay. Xalay 8-dii ayay neeftu ku qabatay, markii isbitaalka la geeyayna waxay dhaheen naftu way ka baxday. Ilaahay ha u naxariisto. Haddii ay jirto wax aad ka tabanayso, walaal iska cafi.”
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.
Waxa iigu daran ma aha oo keliya inaan waayay qofkii aan jeclaa ee aan rabay inay xaaskayga noqoto. Waxa iigu daran waa inaan arkayo waalidkii ay kaligeed u ahayd, oo maanta la kulmay murugo aan erayo lagu cabbiri karin. Ilaahay qalbigooda ha qaboojiyo, samir iyo iimaanna ha ka siiyo.
Riyadii guurku waxay hal habeen isku beddeshay safar geeri ah oo aan dib looga soo noqon.
Maryam, Alle ayaa igaaga kaa jeclaaday.
Waxaan Alle kaaga baryayaa inuu Jannatul Firdowsa kaa dhigo hoygaaga, qabrigana kuu waasiciyo oo kuu iftiimiyo. Waxaan sidoo kale Alle ka baryayaa inuu nagu kulmiyo Jannadiisa.
Jacaylkii aan kuu qabay ma dhammaanayo geeridaada.
Xusuustaaduna qalbigayga ayay ku sii noolaan doontaa. Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.
Ilahay qalbiga hano qaboojiyo aniga iyo waaridkii dhalay badal qayr qaba allaha siiyo.
XIGASHO:-CAASIMADDA.NET


0 



Riyadii guurka oo isku beddeshay Geeri – Qisada xanuunka badan ee Maryan
.