Masar iyo Eritrea oo ka wada hadlay amniga Badda Cas iyo xaaladda Soomaaliya

0
Thursday September 24, 2026 - 12:35:37 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 76
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masar iyo Eritrea oo ka wada hadlay amniga Badda Cas iyo xaaladda Soomaaliya

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Eritrea ayaa kulan ku yeeshay magaalada New York, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo isku-duwidda mowqifyada ku aaddan arrimaha gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa Khamiistii 24-ka Sebtembar kula kulmay dhiggiisa Eritrea, Cismaan Saalax, xilli ay labada dhinac ka qeybgalayaan shirarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka Masar iyo Eritrea, iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi, iyo kordhinta maalgashiyada labada dhinac. Masar ayaa sidoo kale sheegtay inay taageerayso madax-bannaanida, midnimada iyo dhuleednimada Eritrea.

Labada wasiir ayaa si gaar ah uga hadlay amniga iyo maamulka Badda Cas, iyagoo isku raacay in amniga Badda Cas uu mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay dalalka ku teedsan baddaasi.

Waxay sidoo kale is-weydaarsadeen aragtiyo ku saabsan xaaladda Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo Suudaan. Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay taageeridda hay’adaha dowladeed ee qaranka iyo ilaalinta midnimada, madax-bannaanida iyo dhuleednimada dalalka gobolka.

Labada dhinac ayaa ugu dambeyn ku heshiiyay in la sii wado wada-tashiga iyo isku-duwidda mowqifyada ku aaddan arrimaha gobolka ee ay labada dal daneynayaan.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip