MDFarmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay wada-hadal qaran iyo doorasho heshiis lagu yahay

0
Thursday September 24, 2026 - 14:05:07 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MDFarmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay wada-hadal qaran iyo doorasho heshiis lagu yahay

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha Xisbiga Nabad iyo Nolol, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa 24-ka Sebtembar 2026 warqad furan u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafaadka ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo dowlad-dhiska.

Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay mareyso marxalad xasaasi ah oo dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo bulshada ah, isagoo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu hormuud ka noqdo wada-hadal qaran oo lagu xallinayo khilaafaadka jira.

 

Wuxuu warqaddiisa ku sheegay in dastuur heshiis lagu yahay, dhammaystirka hannaanka federaalka, doorashooyin loo dhan yahay iyo wada-hadal siyaasadeed ay yihiin arrimo muhiim u ah ilaalinta midnimada iyo dowladnimada Soomaaliy.

 

Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in dalka uusan weli lahayn hannaan doorasho oo dhammaan dhinacyadu ku heshiiyeen, isaga oo ka digay in khilaafaadka siyaasadeed ay sii adkeeyaan xaaladda dalka.

Wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in heshiis laga gaaro doorashooyinka, isla markaana muddo kooban gudaheed la qabto doorasho loo dhan yahay, si Soomaaliya looga gudbiyo waxa uu ku tilmaamay "jahwareerka siyaasadeed”.

Sidoo kale, Farmaajo wuxuu ugu baaqay dhinacyada siyaasadda inay qaataan tanaasul, ayna wada-hadalka ka dhigaan waddada lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed.

Warqadda Farmaajo ayaa kusoo beegmeysa xilli khilaaf siyaasadeed uu ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka iyo xiriirka Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada. Dhinacyada siyaasadda ayaa aragtiyo kala duwan ka qaba habka loo wajahayo doorashooyinka iyo heshiiska siyaasadeed ee loo baahan yahay.

XIGASHO:-RADIORISAALA.COM

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip