Golaha Shacabka oo laalay qaraarkii Xamse ee tartanka xilalka agaasime-waaxeedyada

0
Wednesday September 23, 2026 - 13:18:20 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 96
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Shacabka oo laalay qaraarkii Xamse ee tartanka xilalka agaasime-waaxeedyada

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laalay qaraar uu dhawaan soo saaray Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, kaas oo lagu doonayay in xilalka agaasime-waaxeedyada iyo qaar ka mid ah shaqooyinka dowladda lagu buuxiyo hannaan tartan furan.

 

Qaraarka ayaa waxaa oggolaaday in la laalo 136 xildhibaan, halka 2 xildhibaan ay diideen, sidoo kalena 2 xildhibaan ay ka aamuseen.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhawaan faray wasiirrada, Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda in laga bilaabo 20-ka Sebteembar wajiga koowaad ee dib-u-habaynta shaqaalaha dowladda, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo xilalka agaasime-waaxeedyada oo lagu buuxinayo hannaan tartan furan.

Go’aanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa meesha ka saaray qaraarkaas, iyadoo tallaabadan ay saameyn ku yeelan karto qorshaha dib-u-habaynta iyo magacaabista xilalka sare ee hay’adaha dowladda.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip