
Beesha Xawaadle oo diiday doorasho aan heshiis lagu ahayn, 24-ka Sebtembarna ku baaqday bannaanbaxyo ka dhaca Hiiraan
Beesha Xawaadle ayaa ku dhawaaqday inaysan aqbalayn doorasho aan heshiis siyaasadeed laga gaarin, kaddib shirar wadatashi ah oo maalmahan magaalada Beledweyne uga socday siyaasiyiin iyo waxgarad ka tirsan beesha.
Xoghayihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xiirey Axmed Rooble, oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne, ayaa sheegay in kulamadii wadatashiga ay kasoo baxeen qodobo ay beesha Xawaadle ku mideysan tahay, kuwaas oo la xiriira doorashada iyo xaaladda siyaasadeed ee gobolka Hiiraan.
Qodobka ugu horreeya ee kasoo baxay shirarka, sida uu sheegay Xiirey, ayaa ah in beesha Xawaadle ay diiddan tahay qabashada doorasho aan heshiis siyaasadeed lagu gaarin, "Waxay beesha mar kale ku celinaysaa inaysan wax doorasho ah oo qasab ah, oo aan heshiis lagu ahayn, ka dhici karin gobolka Hiiraan, magaalooyinkiisa, degmooyinkiisa iyo tuulooyinkiisa,” ayuu yiri Xiirey.
Wuxuu sheegay in mowqifkan uu yahay mid kasoo baxay wadatashiyadii siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha, isagoo ku adkeystay in doorasho aan bulshada raalli ka ahayn, isla markaana aan heshiis lagu gaarin, aan laga qaban karin deegaannada gobolka Hiiraan.
Xiirey ayaa sidoo kale uga mahadceliyay shacabka ku nool qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan, gaar ahaan Jalalaqsi, Matabaan iyo Jawiil, kuwaas oo uu sheegay inay hore uga muujiyeen diidmada doorasho uu ku tilmaamay mid hal dhinac ah, ayna sameeyeen bannaanbaxyo looga soo horjeedo.
Qodobka labaad ee kasoo baxay shirarka wadatashiga, ayuu sheegay, in 24-ka Sebtembar loo asteeyay maalin bannaanbaxyo nabadeed oo looga soo horjeedo doorashada aan heshiiska lagu ahayn, Xiirey ayaa xusay in beesha Xawaadle ay ugu baaqday shacabka ku nool gobollada, degmooyinka iyo tuulooyinka inay is abaabulaan, ayna si nabad ah isu soo baxaan si ay u muujiyaan mowqifkoodaWuxuu daaha ka qaaday in bannaanbaxyadaasi ay noqon doonaan kuwo lagu muujinayo diidmada doorasho aysan dhinacyada oo dhan heshiis ka gaarin.
Qodobka saddexaad ee uu soo bandhigay Xiirey ayaa ah sii wadista wadatashiyada lala yeelanayo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan, Wuxuu shaaca ka qaaday in marka wadatashiyadaasi la soo gabagabeeyo ay kasoo bixi doonaan go’aamo uu ku tilmaamay kuwo masiiri ah, kuwaas oo uu sheegay inay horseedi karaan in dadka reer Hiiraan iyo bulshada Hirshabeelle ay si wadajir ah uga shaqeeyaan dhismaha maamul loo dhan yahay oo ay dhammaan dhinacyadu ku qanacsan yihiin.
Isagoo ka hadlaayay xaaladda ka dhalan karta haddii la qabto doorasho uu ku tilmaamay khasab, Wuxuu sheegay in haddii doorasho noocaas ah ay ka dhalato shaqaaqo ama waxyeello loo geysto shacabka, ay mas’uuliyadda wixii ka dhasha qaadi doonaan dhinacyada uu sheegay inay mas’uul ka yihiin geeddi-socodka doorashada.
Ugu dambeyn Wuxuu sheegay in shacabka ay bannaanbaxyada ku muujin doonaan inaysan raalli ka ahayn doorasho uu ku tilmaamay "khasab iyo heshiis la’aan”, isagoo ku adkeystay in mowqifkaasi uu yahay mid kasoo baxay shirarkii wadatashiga ee siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Xawaadle.


0 



Beesha Xawaadle oo diiday doorasho aan heshiis lagu ahayn, 24-ka Sebtembarna ku baaqday bannaanbaxyo ka dhaca Hiiraan
.