MW Xasan Sheekh oo daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

0
Saturday September 19, 2026 - 16:15:17 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 63
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MW Xasan Sheekh oo daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi oo uu martigeliyay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB)

 

Shirka oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin ka socday hay’adaha dowladda, ganacsato, maamuleyaasha shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta taageerta horumarinta Soomaaliya, ayaa lagu gorfeeyay fursadaha iyo baahiyaha maalgelinta horumarineed ee dalka, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray sidii Soomaaliya looga gudbin lahaa marxaladda dib-u-soo-kabashada, looguna gudbi lahaa koboc dhaqaale oo waara.

Madaxweynaha Jamhuuriyada ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan siinayso maalgelinta horumarka waara, kobcinta wax-soo-saarka gudaha iyo xoojinta doorka ganacsiyada gaarka loo leeyahay, si loo abuuro fursado shaqo iyo koboc dhaqaale oo waara.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Hiigsiga Qaranka ee 2060 uu yahay jihada fog ee Soomaaliya ku gaari karto dhaqaale kobcaya iyo horumar waara, taas oo u baahan maalgelin istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, tamarta, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsiyada.

SNTV Daljir - SNTV Daljir added a new photo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip