MADAXWEYNAHA JFS OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA DALALKA DHEX-DHEXAADKA AH

0
Tuesday September 01, 2026 - 20:09:11 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNAHA JFS OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA DALALKA DHEX-DHEXAADKA AH

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Shirka Dalalka dhex-dhexaadka ah oo maanta ka furmay magaalada Belgrade ee dalka Serbia, halkaasi oo uu kusoo bandhigay caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dunida wajahayso iyo muhiimadda xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in caqabadaha maanta jira, oo ay ka mid yihiin colaadaha, argagixisada, xiisadaha juqraafi siyaasadeed iyo isbeddelka cimiladu, ay u baahan yihiin iskaashi iyo wadajir caalami ah.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay horumarka Soomaaliya iyo dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan xasilloonida, dib u dhiska iyo horumarinta dalka, isaga oo uga mahadceliyay bahwadaagta caalamiga ah taageeradooda joogtada ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay ka go’naanshaha Soomaaliya ee mabaadii’da Dhaqdhaqaaqa Dalalka dhex-dhexaadka ah, gaar ahaan dhowrista madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, caddaaladda, sinnaanta iyo xallinta khilaafaadka

XIGASHO:-XIGASHO:-RADIO MUQDISHO.SO




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip