Senator laga soo doorto Puntland oo arrin cajiib ah ka sameeyay Aqalka Sare

0
Saturday August 29, 2026 - 14:15:17 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 21
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Senator laga soo doorto Puntland oo arrin cajiib ah ka sameeyay Aqalka Sare

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Senator Farxaan Cali Xuseen oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si nabadeed ugu bannaanbaxay golaha dhexdiisa, isaga oo eedeymo u jeediyay dowladda.

 

Senatorka oo maanta ka qayb-galay kulankii Aqalka Sare ayaa kasoo muuqday isaga oo watay boor ay ku xardhan yihiin erayo uu ku muujinayo inuu dhammaaday muddo xileedka hay’adaha Dowladda Federaalka.

"Muddo xileedku waa dhammaaday (EXPIRED) dowladda xil-gaarsiintu sharciyad cusub ma samayso,” ayuu kusoo qortay boorka Senatorku.

 

 

Dhinaca kale, Senator Farxaan oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay sababta uu u sameeyay arrintan, isaga oo ku dooday in Baarlamaanka uu yahay xil-gaarsiiye, isla markaana uusan meel marin karin shuruuc cusub.

"Maanta waxaa la keenay laba sharci oo cusub iyo xubin la ansixinayo qodobka 103-aad ee dastuurka KMG ah wuxuu leeyahay haddii muddo xileedku dhammaado shaqada joogtada ah oo ku simaha ah ayaa la qaban karaa sharci cusubna lama ansixi karo xubin cusubna laguma soo dari karo, sidaas daraadeed intaas ayay ahayd ujeedayda,” ayuu yiri Senator Farxaan.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in maanta uu dalka u baahan yahay badbaado, isla markaana ay tahay in laga hadlo arrimaha doorashooyinka oo uu tilmaamay inay ku fashilantay xukuumadda Xamza.

 

 

"Waxaa laga hadli karaa maanta oo muhiim ah doorashada, xukuumadda hadda jirta waxay ku guul darreysatay in doorasho la qabto,” ayuu raaciyay.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxlad xasaasi ah oo ka dhalatay xilliga kala guurka, waxaana si weyn isku haya Villa Somalia iyo kooxaha mucaaradka oo isku khilaafay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka ka dhacaya dalka.

XIGASHO:- CAASIMADDA.NET


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip