
Qoys Soomaaliyeed oo ku sumoobay Kurus iyo Dhuux Geel oo sababay dhimashada laba ruux
Waxaa shalay Magaalada Muqdisho la soo gaarsiiyay qoys Soomaaliyeed oo ku sumoobay Kurus iyo Dhuux Geel oo ay cuneen kuwaasoo laga keenay Magaalada Ceel-dheer ee Bariga Gobolka Gal-gaduud.
Sida aan xogta ku helnay laba ka mid ah qoyska ayaa u geeriyooday suntaasi iyadoo mid ka mid ah uu ku dhintay Ceeldheer ,waxaana hada lagu daweynayaa Isbitaalka Dr.Dufle ee Magaalada Muqdisho sedex kale oo ka mid ah qoyskaasi oo la ildaran suntaasi.
Sedexda la daweynayo ayaa kala ah 2 Wiil iyo Gabar, Nimca Xirsi Cumaan oo 17 jir ah, Cumar Xirsi Cusmaan oo 15 jir ah iyo Daahir Xirsi Cusmaan oo 10 jir ah.
Xirsi Cusmaan Cumar oo ah Aabaha dhalay Caruurta dhimatay iyo kuwa Isbitaalka yaal ayaa uga warbixiyay dhacdadaani Universal Somali Tv wuxuuna sheegay in qoyskliisu deganaayeen tuulo ku dhaw Magaalada Ceeldheer balse markii ay caruurtiisu ku sumoobeen cuntada uu u soo qaaday Ceeldheer halkaasoo loo sheegay inaan waxba looga qaban akrin islamarkaana loo soo direy Muqdisho.
Sidoo kale Dr.Dufle oo isna TV-ga la hadlay ayaa sheegaya in caruurtaani ku sumaadoobeen Kurus iyo Dhuux geel oo muda meel yaalay ,wuxuu xusay in hada ay xaaladooda kula tacaalayaan isbitaalka si gaar ah wuxuu dhaqtarku u tilmaamay in caruurta indhahooda wada cagaarteen sidoo kalana kaadidoodu guduud noqotay.
Qoys Soomaaliyeed oo ku sumoobay Kurus iyo Dhuux Geel oo sababay dhimashada laba ruux


0 



Qoys Soomaaliyeed oo ku sumoobay Kurus iyo Dhuux Geel oo sababay dhimashada laba ruux
.