Siciid Deni oo dalal shisheeye ku eedeeyay shirqool halis ah

0
Friday August 28, 2026 - 14:23:25 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 69
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siciid Deni oo dalal shisheeye ku eedeeyay shirqool halis ah

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay xaaladda burcad-badeedda Soomaalida, isagoo sheegay in dalal shisheeye ay ka dambeeyaan kooxahaas, isla markaana ay doonayaan inay ka faa’iidaystaan khayraadka ku jira xeebaha Puntland.

 

Deni ayaa sheegay in Puntland aysan oggolaan doonin in cudurdaar looga dhigto la-dagaallanka burcad-badeedda, si ciidamo shisheeye loogu soo daadiyo xeebaha maamulka, kadibna arrintaas loogu isticmaalo fursad lagu gurto khayraadka badda.

Madaxweynaha ayaa xusay in dadka Puntland aysan aqbali karin in dadkooda lagu dilo xeebaha, iyadoo loo marayo howlgallo ka dhan ah burcad-badeedda, isaga oo ku adkeystay in maamulka uu awood u leeyahay wax ka qabashada arrinta.

 

Deni oo xalay hadal ka jeediyay deegaanka Garacad ayaa sheegay in qorshuhu noqon karo in Puntland lagu tilmaamo maamul ku guuldarreystay la-dagaallanka burcad-badeedda, kadibna arrintaas loo adeegsado in ciidamo shisheeye lagu keeno xeebaha.

"Waxaa la rabaa in la yiraahdo Puntland waa difaaci wayday burcad-badeedda, kadibna xeebaha ciidamo la soo dhoobo oo khayraadkeenna gurtaan,” ayuu yiri Siciid Deni.

Wuxuu sidoo kale tusaale u soo qaatay ciidamo iyo dalal shisheeye oo hore uga howlgallay xeebaha Soomaaliya, isagoo sheegay in xilligii la sheegayay in bulshada caalamku la dagaallamaysay burcad-badeedda ay dhacday xaalufin lagu sameeyay khayraadka badda Soomaaliya.

 

Deni ayaa ugu dambeyn farriin u diray shacabka Puntland iyo beesha caalamka, isagoo sheegay in maamulkiisu si adag uga shaqeynayo la-dagaallanka burcad-badeedda, isla markaana aysan oggolaan doonin in arrintaas loo adeegsado faragelin ama in khayraadka Puntland laga faa’iidaysto.

Maamulka ayaa horey ugu eedeeyay Dowladda Federaalka inay qeyb ka tahay sababaha dib usoo laabashada burcad-badeedda, oo bilihii dambe dhaq-dhaqaaq xooggan ka waday xeebaha dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip