Aqalka Sare oo digniin u direy 20 Senator – Maxaa lagu haystaa?

0
Thursday August 27, 2026 - 12:27:29 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 94
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqalka Sare oo digniin u direy 20 Senator – Maxaa lagu haystaa?

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Guddiga Xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Senatorada Golaha Aqalka Sare ayaa maanta digniin rasmi ah u diray 20 Senator.

 
 
 
 
 
 
 
 

Senatoradan ayaa guddigu sheegay inay ka maqnaayeen fadhiyada golaha, kaasi oo u dambeeyay kulankii 1-aad ee Kalfadhiga 8-aad ee Golaha Aqalka Sare oo qabsoomay 26-kii August 2026.

Guddiga ayaa sheegay in digniintan loo diray Senatoradaasi kadib markii ay ka maqnaadeen kulanka, iyadoo lagu wargeliyay muhiimadda ay leedahay in xubnaha Aqalka Sare ay si joogto ah uga soo qeyb-galaan fadhiyada golaha, isla markaana ay gutaan waajibaadkooda xubinimo.

 

"Guddiga oo gudanaya waajibaadka loo igmaday ayaa digniin rasmi ah oo ku saabsan ka maqnaanshaha fadhiyada Golaha u jeediyay Senatorada ku xusan lifaaqa, iyadoo uu guddigu xusay muhiimadda ay leedahay joogteynta ka qaybgalka fadhiyada Golaha iyo gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday,” ayaa lagu yiri digniinta kasoo baxday guddiga.

Guddigu wuxuu xusay in waajibaadka Senatorada uu waafaqsan yahay faqradda 3-aad ee qodobka 14-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare, isagoo xubnaha ku boorriyay inay si buuxda uga soo qeyb-galaan kulamada soo socda.

Sidoo kale, guddiga ayaa Senatorada ay khuseyso uga digay inay ka maqnaadaan kulamada golaha, isagoo caddeeyay in haddii aysan u hoggaansamin digniinta la siiyay laga qaadi doono tallaabooyin anshax.

 

Senatorada digniinta loo diray waxaa ka mid ah Cabdi Axmed Dhuhulow (Dhagdheer), Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan), Cabdirisaaq Maxamed Cismaan, Daahir Ayaanle Saciid, Dr. Xuseen Maxamed Daahir iyo Fartuun Cabdulqaadir Faarax Karama.

Waxaa sidoo kale liiska ku jira Farxaan Cali Maxamuud, Farxaan Cali Xuseen, Xasan Daahir Yare, Xasan Idow Maxamed (Kobac), Leyla Axmed Ismaaciil, Maryan Faarax Kahiye, Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley), Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, Saciid Sayid Shirwac, Samiira Maxamed Xaaji, Axmed Maxamed Saciid, Cabdulxakiim Macallin Axmed Maalin iyo Saalax Axmed Jaamac.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip