
Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda
Munaasabadda xiritaanka waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdulqaadir Abuukar Maxamed; Madaxa Ergada Soomaaliya ee IMCTC, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare; iyo Madaxa Warbaahinta Isbahaysiga, Gaashaanle Fahad Camaar Al-Qaxdaani.
Tababarka waxaa ka qeyb galay wariyeyaal ka kala socday warbaahinta dowladda iyo tan gaarka loo leeyahay, iyo sidoo kale hal-abuurayaal ka shaqeeya baraha bulshada. Ka qeybgalayaasha waxaa lagu tababaray falanqaynta farriimaha xagjirka ah, aqoonsiga wararka marin-habaabinta ah, ka-hortagga hadallada nacaybka iyo diyaarinta farriimo wax-ku-ool ah oo lagula tacaalayo borobagaandada kooxaha argagixisada.
Wasiir Cabdulfataax Qaasim ayaa uga mahadceliyey Isbahaysiga IMCTC qabsoomidda tababarka, isaga oo ku dhiirrigeliyey saxafiyiintii ka faa’iidaystay inay aqoonta iyo xirfadaha ay kororsadeen ku dabaqaan shaqadooda maalinlaha ah, kana qeyb qaataan ka-hortagga wararka marin-habaabinta ah, fikirka xagjirka ah iyo borobagaandada kooxaha argagixisada ah.
Wasiirka ayaa in dul istaagau muhiimadda doorka warbaahinta ee la-dagaallanka argagixisada, ka-hortagga fikradaha xagjirka ah, wacyigelinta bulshada iyo xoojinta nabadda iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Hindisaha "Wariyayaasha Nabadda” wuxuu qeyb ka yahay iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo IMCTC ee lagu kobcinayo awoodda hay’adaha qaranka, laguna xoojinayo doorka warbaahinta Soomaaliyeed ee ka-hortagga argagixisada iyo marin-habaabinta, iyo ilaalinta amniga bulshada.



0 



Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda
.