Cumar Cabdirashiid oo sheegay in aan dowladda Xasan Sheekh laga aqbali karin…

0
Thursday August 27, 2026 - 13:31:33 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 97
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cumar Cabdirashiid oo sheegay in aan dowladda Xasan Sheekh laga aqbali karin…

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa si adag uga hadlay xiisadda dhulka ee ka taagan gudaha caasimadda, xilli ay kordheen howl-gallada burburinta ee ay waddo dowladda.

 

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo walaac ka muujiyay xaaladda dadka laga raray dhulkooda.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa si gaar ah u xusay Buulo Elay iyo labada xaafadood ee Tokyo ee degmooyinka Howlwadaag iyo Yaqshiid, halkaas oo uu sheegay in kumannaan qof laga barakiciyay.



"Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa saaran mas’uuliyadda ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka muwaadiniinteeda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in rarista dadkaasi, iyadoo aan lagala tashan, ay tahay arrin aan la aqbali karin, isla markaana murugo ku ah dadka ay sida tooska ah u saameysay.

"Barakicinta iyo ka rarista kumannaan qof ee Buulo Elay iyo labada xaafadood ee Tokyo ee degmooyinka Howlwadaag iyo Yaqshiid, iyadoo aan bulshada lagala tashan, waa arrin aan gebi ahaanba la aqbali karin oo murugo leh,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay ka socdaan howl-gallo burburin ah, iyadoo arrimaha barakicinta dadka iyo ilaalinta xuquuqda shacabka ay noqdeen kuwo si weyn loo hadal-hayo.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda ku doodeysa in howlaha burburinta ee ka socda degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid uu qorshahoodu yahay in la hagaajiyo dhulalka Obasiibooyinka ee ku yaalla degmooyinkaas, si loo qurxiyo, looguna furo waddooyin waa wayn.

Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dhulalkaas loo sharciyeynayo dadkii lahaa, isagoo xusay in dadka haysta document-yada aan laga taaban doonin dhulkooda.

 "Waxaan rabaa hal mid inaan caddeeyo dhulka Obasiibada ah dadkii deganaa ayaa loo sharciyeynayaa Madaxweynaha waxa uu nagu ogyahay waa taas. Qof document haysto dhulkeeda waa lama taabtaan daraadna annaga iyo culimada ayaan ka wada-hadalnay,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Waxa uu intaas kusii daray in qofka uu dhulkiisa ku wayn karo in waddo ay ku timaado, inkastoo uu sheegay in dadkaas loo dajiyay qorshe guud, isla markaana loo sameyn doono dib u dajin rasmi ah.

"Qof Obasiibo deggan wuxuu dhulkiisa ku wayn karaa marka jid la bixiyo qof ayuu saameynayaa dadkaas dowladdaa laga rabaa inay maareyso qorshe ayaana loo dajiyay iyadoo kunkii boos ee ugu horreeyay uu gaba-gabo marayo dhanka Gubadley, si dib u dajin loogu sameeyo shacabka,” ayuu yiri Muungaab.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip