
Maxay yihiin ciidanka uu maanta Xasan Sheekh tababarka ugu soo xiray Galmudug?
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tababar ku qaadanayay Dugsiga Xananbuure ee gobolka Galgaduud.Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, Wasiirka Gaashaandhigga XFS Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale.
Sidoo kale, munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa xildhibaanno, saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo marti-sharaf kale, kuwaas oo ka qeyb qaatay munaasabadda lagu soo xirayay tababarka ciidamada.
Ciidamada tababarka qaatay ayaa munaasabadda kusoo bandhigay dhoolatus ciidan iyo gaadda ka ciyaar, iyagoo muujiyay xirfadaha iyo aqoonta ay ka heleen muddadii uu tababarku socday.
Cutubyadan ayaa loo diyaariyay inay xoojiyaan ciidamada Xoogga Dalka ee haatan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ka wada deegaano ka tirsan Galmudug iyo gobollada kale ee dalka.
Sidoo kale, ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya qorshaha lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan askarta loo carbiyay inay mustaqbalka dhow la wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.
Dowladda ayaa muddooyinkii dambe xoogga saaraysay dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidamada Soomaaliya, xilli Dowladda Federaalka ay waddo qorshe ay ciidamada qaranku ugu diyaargarowayaan inay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.







0 




Maxay yihiin ciidanka uu maanta Xasan Sheekh tababarka ugu soo xiray Galmudug?
.