Puntland oo dalbatay in loo soo gacan geliyo ciidamadii u goostay Galmudug kadib markii…

0
Sunday August 16, 2026 - 12:25:27 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 63
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo dalbatay in loo soo gacan geliyo ciidamadii u goostay Galmudug kadib markii…

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Maamulka Puntland ayaa si adag uga hadlay ciidamo horey uga tirsanaa ciidamadeeda oo markii dambe ku biiray Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo u gudbay dhanka maamulka Galmudug.Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in ciidamadaasi ay qeyb ka ahaayeen koox uu ku eedeeyay inay qorsheynayeen qalalaase ka dhaca magaalada Gaalkacyo, balse ay markii dambe u gudbeen dhinaca Galmudug.

Caydiid oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in qaar kamid ah ciidamadaas loo soo bandhigay inay yihiin ciidamo federaal ah, kadib markii ay ka tageen Puntland una gudbeen dhanka Galmudug.

 

"Ciidamadii doonayay inay qalalaase ridaan, qaar ka mid ah oo la yiri waa ciidamo federaal ah ayaa u goostay Galmudug,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa Galmudug ugu baaqay inay Puntland ku soo celiso ciidamadaasi, una soo gacan geliso, isagoo ku eedeeyay maamulkaasi inay u galeen dad uu ku tilmaamay dambiilayaal. "Galmudug waxaa laga rabaa inay isu celiso, gacanta Puntland ay ku soo sito dambiileyaal,” ayuu yiri Caydiid.

Sidoo kale, wasiirka ayaa eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay inuu qeyb ka yahay qorshe uu sheegay in lagu abuurayo xiisad u dhexeysa maamullada Puntland iyo Galmudug.

 

Caydiid Dirir ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay doonayso inay kala fogeyso labada maamul ee deriska ah, hadalkiisa ayaana kusoo aadaya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, iyadoo la qorsheynayo inuu safar ku tago Gaalkacyo oo uu haatan ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip