Soomaaliya oo ka qayb gashay xuska maalinta Ururka Hay'adaha Hantidhowrka Wadamada Carabta

0
Saturday August 15, 2026 - 14:53:55 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 70
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo ka qayb gashay xuska maalinta Ururka Hay'adaha Hantidhowrka Wadamada Carabta

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qaybgalay munaasabadda xuska "50 Guurada” ka soo wareegtay markii la aasaasay Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Sare ee Wadamada Carabta (AROBOSAI), taas oo socotay muddo saddex maalin ah (13-15 August 2026).

Munaasabaddan, oo ka dhacday magaalada Cammaan ee caasimadda wadanka Jordan, ayaa lagu soo bandhigay wada-shaqayntii iyo horumarkii ay ARABOSAI ka sameysay xoojinta hantidhowrista, iyada oo kor loo qaadayo aqoonta, kartida iyo fahamka xirfadaha hantidhowrka, isla-markaana ay hay’adaha xubnaha ka ah ARABOSAI wadaagayaan waaya-aragnimada iyo mihnadahooda aqooneed.

Hantidhowraha Guud ayaa madasha 50-guurada ARABOSAI ku soo bandhigay doorka iyo kaalinta Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS uu ka qaato xoojinta isla-xisaabtanka, daahfurnaanta iyo dowlad-wanaagga, isaga oo sidoo kale muujiyay muhiimadda iskaashiga ARABOSAI, oo uu Xafiisku xubin buuxda ka yahay.

Intii ay munaasabaddu socotay, waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee lagu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa sida looga faa’iideysan karo Garaadka Macmalka ah (AI), looguna adeegsan karo xoojinta ilaalinta iyo dhowrista khayraadka iyo hantida dadweynaha.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu si joogto ah ugu howlan yahay adkeynta iyo sare-u-qaadista xiriirka iyo wada-shaqaynta uu la leeyahay hay’adaha hantidhowrka adduunka iyo kuwa gobolka, si loo horumariyo adeegga dadweynaha iyo dowladnimada.

Soomaaliya oo ka qayb gashay xuska maalinta Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Wadamada Carabta
XIGASHO:-RAADIYO MUQDISHO




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip