
Xasan Sheekh: Duulaan kuma ahi maamul-goboleedyada
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay Dhuusamareeb uga qayb-galay xuska 14-ka August oo ku beegan maalinta aasaaska ee Galmudug ayaa ka hadlay arrimo ku aadan nidaamka federaalka oo xilligan dood culus ay ka taagan tahay.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in isaga uu door weyn ku lahaa dhismaha dowlad-goboleedyada hadda jira, isagoo xusay in xilligii dowladdiisii hore la aas-aasay inta badan mamullada haatan shaqeeya.
"Dalkan taladiisa siyaasadda markaan nimiday Dowlad-goboleed ma jirin, laakiin dastuurka waa ku qornaayeen Gaalkacyo laga soo bilaabo illaa meesha uga dambeyso Jubbaland bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ayaa la’isku dhihi jiray,” ayuu khudbaddiisa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in uusan duulaan ku ahayn Dowlad-goboleedyada, balse ay garab qabanayaan si loo xoojiyo wada shaqeynta kala dhexeysa dowladda dhexe.
Waxaa kale oo uu intaas ku daray in loo baahan yahay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalka, si loo horay loogu sii wado dowladnimada Soomaaliyeed.
"Maanta waa maamulo hana qaaday oo shaqeynaya dowladda dhexe inay sii xoojiso oo ay sii kaabto ma ogiye marna waxba kama bi’in, hayeeshee haddii dadka qaar mas’uuliyadda loo dhiibay ay la liicaan garabkaa qabaneynaa waan joojineynaa, waana hagaajineynaa,” ayuu sii raaciyay Madaxweynuhu.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan khilaaf xooggan uu u dhexeeyo Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Maamul-goboleedyada dalka, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland oo guud wada shaqeyntii u jaray dowladda dhexe.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad kala guur ah, waxaana weli uu khilaaf ka taagan yahay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka.


0 



Xasan Sheekh: Duulaan kuma ahi maamul-goboleedyada
.