
Safiirka Itoobiya oo ka tegaya Soomaaliya kadib markii…
Safiirka Dowladda Federaalka Itoobiya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Danjire Suleymaan Dedefo Woshe ayaa haatan macsalaameynaya Soomaaliya, kaddib markii uu soo gabagaboobay muddo xileedkiisii diblomaasiyadeed ee gudaha dalka.
Danjire Suleymaan Dedefo ayaa shalay booqasho sagootin ah ku tegay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, halkaas oo uu ku qaabilay Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) oo ay yeesheen kulan laba geesood ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada kala duwan iyo muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, amniga, dhaqaalaha iyo iskaashiga gobolka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa Danjire Suleymaan uga mahadceliyay dadaalladii uu muddada xilka hayay ku bixiyay horumarinta iyo xoojinta xiriirka labada dal, isaga oo xusay kaalinta uu ka qaatay fududeynta wada-shaqeynta iyo isfahamka u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda xiriirka derisnimo iyo iskaashiga labada dal, iyaga oo carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Wasiirka iyo Danjiraha ayaa isla qaatay in iskaashiga Soomaaliya iyo Itoobiya uu muhiim u yahay horumarinta danaha labada shacab, iyadoo la xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo wada-shaqeynta labada dal ee dhinacyada ay danaha wadaagaan.
Dhankiisa Danjire Suleymaan Dedefo Woshe ayaa uga mahadceliyay Dowladda Soomaaliya soo dhaweynta iyo wada-shaqeyntii uu helay muddadii uu Soomaaliya ka ahaa Safiirka, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in labada dal ay sii ambaqaadaan xiriirkooda iyo iskaashigooda.
Ugu dambeyn, Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa Danjire Suleymaan u rajeeyay guul, caafimaad iyo horumar uu ka gaaro waajibaadka iyo howlaha diblomaasiyadeed ee loo igmaday mustaqbalka, isaga oo xusay in Soomaaliya ay qiimeynayso dadaalladii uu ku bixiyay xoojinta xiriirka labada waddan.





0 


Safiirka Itoobiya oo ka tegaya Soomaaliya kadib markii…
.